Lionel Messi oo laacibka aduunka noqday

by Suni Said Salah | Posted on Monday, January 10th, 2011
Readers:7369

ZURICH (AP)—Weeraryahanka xulka Argentina iyo Barcelona Lionel Messi ayaa la hoyaaday abaalmarinta laacibka aduunka ugu wanaagsan ee world’s best player of year, iyadoo gacanta laga saaray  kubadda dahabka ah ee FIFA (FIFA’s Golden Ball award).

Lionel Messi waxey u tahay markii 2aad oo isku xigta oo uu qaadanayo abaalmarinta FIFA player of the year award, wuxuuna noqonayaa ciyaaryahankii 2aad ee 2 mar oo isku xigta qaata marka laga yimaado Ronaldinho oo sanadihii 2004 iyo 2005 isku ceshaday.

Messi wuxuu kaga guuleystay abaalmarintaasi  ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin ee reer Barcelona Xavi Hernandez iyo Andres Iniesta. Waxaana codbixintaan ka qeybgalay oo codkooda dhiibtay macalimiinta iyo captains aduunka oo lagu daray wariyayaasha sports aduunka.

23-sano jirkaasi wuxuu Barcelona ka caawiyay iney dib u qaado horyaalka Spanish league iyadoo haatan ah kooxda wali hogaanka ku fadhida.

Messi wuxuu noqonayaa ciyaaryahankii 8aad ee Barcelona u ciyaara ee qaata abaalmarintaan 20-ka sano jirsatay ee ay FIFA bixiso.

(L-R) Francois Moriniere of French ASO group and owner of French sport daily l'Equipe, Argentina's Lionel Messi, winner of the FIFA Ballon d'Or, Brazil's Marta, winner of the FIFA Women's World Player of the Year and FIFA president Sepp Blatter pose on January 10, 2011 at the Kongresshaus during the FIFA Ballon d'Or ceremony in Zurich. The three finalists for the 2011 Ballon d'Or are Spain's Xavi Hernandez, Spain's Andres Iniesta and Argentina's Lionel Messi who all play for Barcelona. AFP PHOTO / FABRICE COFFRINI (Photo credit should read FABRICE COFFRINI/AFP/Getty Images)

Messi wuxuu helay codadkii la bixiyay 22.65% cod, isagoo sidaa kaga sara maray Andrés Iniesta oo helay (17.36%) cod iyo Xavi oo helay (16.48%) cod.

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>