Montpellier oo yurub boos ka dooneysa
by Suni Said Salah | Posted on Sunday, January 30th, 2011
Readers:402
PARIS (CIYAARO)—Montpellier ayaa 2-1 kaga farxalatay Nancy kulan ka tirsanaa horyaalka French league, sidaana waxey ku dooneysaa iney boos kaga hesho qaarada yurub.
Garry Bocaly ayaa goolka guusha u dhaliyay daqiiqadii 59aad ee ciyaartay.
Montpellier waxey horyaalka haatan kaga jirtaa booska 5aad xagga kala horeynta.
Bordeaux ayaa Nice 2-0 u dhiibtay markii ay 2 gool ka kala heshay Ludovic Sane iyo Anthony Modeste.
Lille waxey 1-0 kaga badisay habeen hore Lens sidaa dartee waxey horyaalka ku hogaamineysaa 4 dhibcood oo nadiid ah oo ay ka sareyso kooxda booska 2aad ee Paris Saint-Germain.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com
Related posts:
Mourinho oo Taariikh dhigay
Chelsea oo ku tumatay Sunderland
Real Madrid oo markii 18aad qaadatay Spanish Cup-ka



