Muntari oo la siiyay Sunderland
by Suni Said Salah | Posted on Saturday, January 29th, 2011
Readers:1311
SUNDERLAND, England (CIYAARO)— Inter Milan ayaa deyn ahaan ku bixisay xiddiga reer Ghana ee Sulley Muntari taasoo siisay Sunderland oo uu u ciyaari doono inta sanadkaan ka dhiman.
Muntari wuxuu halkaasi ugu tagi doonaa xiddigaha ay isku wadanka yihiin ee Asamoah Gyan iyo John Mensah , wuxuu ka soo muuqan doonaa kulanka ay Sunderland horyaalka Premier League la ciyaari doontoi Stoke.
Sunderland waxey horyaalka kaga jirtaa kaalinta 6aad waxeyna 4 dhibcood oo kaliyaha ka hooseysaa kooxda booska 4aad ee Chelsea.
Muntari, horey ayuu ugu soo ciyaaray England gaar ahaan Portsmouth, isagoo Inter ku biiray 2008 laakiin dhibaato waxey ka qabsatay sidii uu booska 1aad ee kooxda ku heli lahaa.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com
Related posts:
Maxkamada Sports oo ganaaxii ka qaaday Queiroz
Gabdhaha & Wiilasha K/Koleyga Soomaalida oo guuldarooyin loo saariyay+Sawiro
Man City oo hogaanka la wareegtay markii ay ka tilaabsatay Arsenal



