Pazzini oo ka farxiyay kooxdiisa cusub ee Inter Milan
MILAN (CIYAARO)—Inter Milan ayaa xiddigeeda cusub ee ay dhawaan soo iibsatay Giampaolo Pazzini wuxuu ka saaciday guusha 3-2 ah ee ay ka heshay Palermo.
Pazzini wuxuu ugu yimid Inter aduun dhan ?12 million ($16.5 million). Wuxuu u dhaliyay 2 gool xilli Inter 2-0 lagu hogaaminayay.
Goolkiisa 1aad wuxuu dhaliyay daqiiqadii 57aad, ka hore intii goolhayaha Inter Julio Cesar uusan gool rigoore ah ka badbaadin Javier Pastore.
Pazzini ayaa goolkiiisii 2aad dhaliyay daqiiqadii 73aad goolka 3aad wuxuu ahaa rigoore waxaana dhaliyay Samuel Eto’o.
Napoli ayaa Sampdoria ku dharbaaxday 4-0 iyadoo Edinson Cavani uu 3 gool halkaasi ka dhaliyay sidaana ay booska 2aad ku timid, 4 dhibcood waxey ka hooseysaa AC Milan oo horyaalka ku hogaamineysa 47 dhibcood. Lazio ayaa kaalinta 3aad ku jirta oo leh 40.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com



