Real Madrid oo ku ceeboowday Almeria

by Suni Said Salah | Posted on Monday, January 17th, 2011
Readers:909

BARCELONA, Spain (CIYAARO)—Real Madrid ayaa bareejo fadeexad wadata oo 1-1 la gashay kooxda horyaalka ugu hooseysa ee Almeria taasoo keentay iney 4 dhibcood ka hoos marto kooxda horyaalka hogaamineysa ee Barcelona taasoo badisay kulankii 13aad ee isku xiga markii ay Malaga ku tumatay.

Jose Ulloa ayaa gool naxdin leh ka dhaliyay goolhayaha Madrid Iker Casillas kaasoo hogaanka ciyaarta u dhiibay Almeria daqiiqadii 60aad.

Esteban Granero ayaase ka fujiyay Real Madrid daqiiqadii 77aad markii uu pass wanaagsan ka helay Karim Benzema oo ciyaarta badal ku soo galay…

Jeremy Mathieu iyo Pablo Hernandez ayaa Valencia u kala dhaliyay  2-0 ay kaga badiyeen Deportivo La Coruna sidaana waxey ku qabsatay booska 4aad ee horyaalka.

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>