Real Madrid oo rajadeeda mugdi la galiyay

by Suni Said Salah | Posted on Sunday, January 30th, 2011
Readers:787

BARCELONA, Spain (CIYAARO)— Rajada Real Madrid ee horyaalka La Liga ayaa halis ku jirta markii caawa dharbaaxo kale ay ku dhacday oo 1-0 qasaaro ah ay kala kulantay Osasuna , guuldaradaasoo Jose Mourinho 7 dhibcood ka hoos marineysa Barcelona.

Javier Camunas ayaa goolka looga badiyay Real Madrid ka dhaliyay daqiiqadii 62aad markii Osasuna ay ku martrigalisay Reyno de Navarra stadium.

Barcelona oo habeen hore badisay kulankii 15aad ee oo xiriir ah ayaa waxey u muuqataa iney horyaalka markii 3aad oo isku xigta qaadan doonto, maadaama ay Madrid ku habsatay guuldaradii 2aad ee horyaalka.

Ciyaarta waxaa lagu arkay weeraryahanka cusub ee Madrid, Emmanuel Adebayor, oo kulankiisii ugu horeeyay saftay caawa iyadoo ay mar qura soo wada galeen isaga,  Xabi Alonso iyo Kaka laakiin natiijada ciyaarta wax ay ka badaleen ma jirin.

Barcelona waxey leedahay 58 dhibcood halka Madrid oo kaalinta 2aad fadhida ay leedahay 51 dhibcood.

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>