Wariye Zaciimka oo ka cabanaya websited-yo xaday wararkiisa
Iyadoo ay dalka somalia iyo dalalka qaarada africa caado ka tahay ku tumashada xuquuqda shaqsiga ayaa waxaa la yaab ah in saxaafada somalia rikoor cusub ka dhigeyso ku takri falka xuquuqda qoraha ama aqriyaha intaba.
Saxaafada Sportiga ayaa xoogaa xishood uu ku danbeeyay marka la bar bardhigo kuwa siyaasada iyo arimaha kale wax ka qora, laakiin sanadahan danbe ayey tartanka dhanka Copy Rightka ku tumashadiisu koob ku qaadeen qaar ka tirsan Idaacadaha gudaha ka howl gala iyo websityo la sheego inuu sportiga ku qoro luqada somaliga,
Maaha mar iyo laba inta jeer aan arkey in la koobiyeysto warar aan Maal iyo maskax intaba u hurney.
Laakiin arinta iga yaabisey iguna qasbey inaan warkan qoro ayaa waxay tahay, markii war aan ka qorey bahda sportiga somaliya ee mareykanka joogta oo aan wareysi ka qaaday aan dhigey websityada www.ciyaaro.com iyo hobyonet.com maalmo kadib ay si qalad ah ku qaateen warkii oo sidii ah websityada kala ah: cayaaraha,Goolka & somsports weliba qof kale ku calamadeyaan xuquuqda qoraha.
Wey dhici kartaa in qoruhu ama milkiiluhu ka helaa qormo meel kale ku qoran, lakiin waa in xitaa uu xusaa begka uu ka qaatay, haduusan qoraha muujineyn.
Waxaan si xushmad leh uga codsanayaa hadii ay jirto dhowris xuquuqda qoraha in websityada 3-da ah ee aan xusey sida ugu dhaqsida badan beejajkooda uga saaraan warka cinwaankiisu yahay: (Bahdii sportiga somaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka oo hambalyeeysay X.S.K.K & k.cagta)
Wabilaahi towfiiq
C/xafiid C/samed Zaciimka muqdisho
zaciimka02@hotmail.com Tel: +2526-1-5517722




Ilama aha in saxaafada ka waranta sportiga ay ka nabad galeen ku tumashada copy right-ka