Xavi oo soo bareejeeyay Record-kii Migueli ee Barcelona

by Suni Said Salah | Posted on Monday, January 3rd, 2011
Readers:4736

Xidiga Qadka dhexe kaga ciyaara kooxda Barcelona Ee Xavi ayaa dhigay Record dhanka safashada ah kadib markii uu saftay Kulankii Xalay Ee la Ciyaareen Kooxda Levente, waxuuna haatan ay isla siman yihiin Xidigii hore Ee Migueli una safan jiray Barcelona Xilligii 1973-dii.

Xavi iyo Migueli ayaa haatan wada hogaaminaya Recordka safashada Naadiga Barcelona iyagoo wada saftay Kulamo dhan 549 kulan wsana Record uu xalay soo bareejeeye Xavi isagoo dabaal dagay markii Ee Ciyaarta dhamaatay.

“Aad ayaa ugu faanayaa inaa xirto maaliyada Midibka Wadnaha Ee Barcelona, Waxaa Taariiq ii ah inaa gaaray heerkii uu gaaray Migueli,” ayuu Xavi u sheegay Spanish television”

“Waxaan doonayaa inaa sii wado Recordkani, islamarkaan aan dafaaco Maaliyada Catalonia Ee Barcelona ku ciyaarto, waxaa farxad wayn ii ah inaa kula sii guuleysto Koobaba badan Naadigayga Barca” ayaa laga soo xigtay Xavi wareesi uu bixiyay.

Xidigani Xavi oo haatan da’diisu tahay 30 Sano jir, gaaray Reordkii Migueli, ayuu waxuu ku cel celiye, ” Markii aan saftay 300 Kulan waxaa ku fakaray inaa gaari karo Recordkii Migueli oo ahaa 546 kulan, laakin taasi Caawa ayee dhacday” ayuu yiri Xavi.isagoo sidoo kale qiray inuusan la yaabi dooni haddii uu safto inkabadan 700 Kulan,

Xavi ayaa kusoo biiray Catalaniya Club (Barcelona) isagoo jira 11 Sano jir, Sanadkii 1991, xilligasi waxuu ugudabay Juniorta Naadiga,Waxuu ahaa Kulankiisi ugu horeeye kulan ay la Ciyareen Malaga, xilligasina waxuu ka hoos ciyaraye Louis van Gaal waxayna ciyaarayeen Spanish Super Cup, sanadkii 1998.

Waxuu Xavi ciyaaray 367 Kulan oo Horyaalka ah iyo 110 Kulan oo ah Koobka Uefa Champions league iyo labo kulan Oo saftay European Cups, sidoo kale Waxuu ku guuleestay 97 Koobabka laag ciyaaro Spain, saigoo sidoo kale Xulkiisa Spain la qeybsaday Koobkii Euro 2008 iyo Koobkii Adduunka 2010.

Ugu danbayntii Xavi waxuu haatan ka mid yahay Sadaxda Xidig oo u sharaxan Abaalmarinta FIFA Ballon d’Or, waxauuna tartan culus kala kulmi doonaan Saaxiibadiisa ay isku kooxda yihiin Ee Lionel Messi iyo Andres Iniesta.

Si kastaba ha ahaatee Xidiga uu Recordkan kala wareegi rabo Xavi Waa Daafac horay ugu soo ciyaari jiray Barcelona lagu magacaabo Migueli waxuuna naadiga usafanaa Xilligii 1973 isagoo saftay 16 Xilli Ciyareed.

Cabdiqadar Shakra
Cabdiqadarshakra@hotmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>