Barca & Madrid oo kulmi doona
MADRID (CIYAARO)—Barcelona iyo Real Madrid ayaa waxey qarka u saran yihiib iney markii ugu horeysay ku kulmaan finalaha koobka Copa del Rey mudo 21 sano ah.
2daan kooxood waxey habeen danbe ciyaari doonaan lugtii 2aad ee koobkaan heerkiisa semifinals. Barcelona oo ah kooxda koobkaan heysta 25-mar waxey 5-0 ku hogaamineysaa Almeria, halka Madrid ay 1-0 kaga soo badisay lugtii 1aad kooxda koobka difaacaneysa ee Sevilla.
Koobkaan waa fursada kaliyaha ee Jose Mourinho uu sanadkaan kooxda u keeni karo iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee ay Real Madrid timaado finalaha kama danbeysta ah ee tartankaan laga soo bilaabo 2004.
Madrid, oo badisay 16 kii kulan oo ay ku ciyaartay Santiago Bernabeu xilli ciyaareedkaan, waxaa ugu danbeysay koobkaan oo ay qaado—Copa del Rey sanadkii 1993.
Ciyaarta finalah waxaa la ciyaari doonaa April 20—waana 4 maalin kadib marka ay 2daan kooxood ay soo wada ciyaaraan kulankooda horyaalka.
Markii ugu danbeysay oo ay 2daankooxood isku arkaan ciyaarta kama danbeyst ah ee koobkaan waxey aheyd 1990, markaasoo Barcelona ay 2-0 ku badisay.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com




asc salaan kadib sxb suni waxaan isleeyahay sanadjaan waa sanadkii morinho
waana uu qaadaa koobka dellray maxaa yeelay waa uu usoo dadaalay waxaa loogu badandoonaa barca lugta hore 1-0 halka lugta danbana ay tahay tii koobka lagu qaadilahaa waxayna ku dhamaanee 0-0 ok sxb
waa sxbka barnaamijka ibraahim maxam,ed deeroow oo kumagacdheer ibraahim carab oo jooga suudaan khartuum ok sxb byyyyyyyyyyyyy