Birmingham oo 48 sano kadib League Cup xayuubsatay Arsenal
WEMBLEY, England (CIYAARO)—Obafemi Martins ayaa daqiiqadii 89aad ee dhamaadkii ciyaarta wuxuu goolkii guusha u dhaliyyay Birmingham taasoo 2-1 kaga badisay Arsenal sidaana ku qaadatay League Cup markii ugu horeysay tan iyo 1963.
Martins, oo ciyaarta badal ku soo galay markii ay 6 daqiiqo ka dhimaneyd, ayaa ka faa’iideystay isku dhicii ay si qaldan iskugu dhaceen Laurent Koscielny iyo goolhaye Wojciech Szczesny kaasoo sababay in Martins uu meel cidlo ah kubada ka helo kadibna shabaqa oo maran uu ku hubsado.
Zigic ayaa Birmingham hogaanka ciyaarta u dhiibay daqiiqadii 28aad, laakiin Robin van Persie ayaa goolkii bareejada ahaa u dhaliyay Arsenal 11 daqiiqo kadib.
6 sano ka hore ayaa Arsenal ugu danbeysay koob ay qaado gaar ahaan 2005 markaasoo ay ku guuleysatay FA Cup.
48 sano kadib Birmingham waxaa u suuragashay iney hesho isla koobkii ay qaaday 1963 ee horey loo oran jiray League Cup.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com



