Dortmund oo 20 sano kadib ka badisay Bayern

by Suni Said Salah | Posted on Sunday, February 27th, 2011
Readers:714

BERLIN (CIYAARO)—Kooxda horyaalka Bundesliga hogaamineysa ee Borussia Dortmund ayaa 3-1 waxey u saarisay Bayern Munich, waana markii ugu horeysay oo ay ka adkaato mudo 20 sano ah.

Lucas Barrios ayaa goolka 1aad ku daahfuray 9 daqiiqo markii ay socotay, Nuri Sahin ayaa gool aad u qurux badan ku labeeyay daqiiqadii 18aad, kii 3aad waxaa ku soo qatimay Mats Hummels daqiiqadii 60aad.  Goolka Bayern waxaa u dhaliyay Luiz Gustavo.

Horyaalka waxaa ka hartay 10 kulan, Dortmund ayaana waxey ku hogaamineysaa 16 dhibcood oo ay ka sareyso Munich, taasoo haatan loo tuuray booska 4aad markii Hannover ay 1-0 kaga badisay St. Pauli.

“ horyaalka mar hore ayuu tagay,” sidaa waxaa laga soo xigtay macalinka Bayern Louis van Gaal. “horey ayaana u sheegnay taasi ayuu ku sii daray.”

Lukas Podolski ayaa xilli danbe u dhaliyay Cologne 1-0 ay kaga badisay Freiburg, kaasoo u ah kiisii 12aad ee uu dhaliyo xilli ciyaareedkaan.

Cologne waa kulankii 5ada oo ay badineyso oo isku xiga gaar ahaan gurigeeda waxeyna ku jirtaa booska 11aad.

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com

Related posts:

Tags
Displaying 1 Comments
Add Your Comment
  1. saadaq cali iligbeeyle says:

    dhamaan bahda wabseedka waan salaamayaa waxaana ugu mahad celinayaa sida eey usoo gudbiyaan ciyaaraha dalka iyo dibada weyna ku mahadsanyihii

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>