Elman oo 5-1 kaga taqalustay Dekedda
Elman oo ah koox awood leh oo ka cayaarta horyaalka heerka 1-aad ee dalka Soomaaliya ayaa galabta 5-1 ku dar dartay kooxda Dekedda oo guul-darada ay la kulantay ay ahayd tii ugu xumeyd ee la arko tan iyo intii tartanku dib u bilaabmay 21-kii bishii Janaayo ee sanadkan.
Qiyaastii 15 daqiiqadood ka hor dhamaadkii qeybta hore ee cayaarta ayaa weeraryahanka kooxda Elman iyo xulka qaranka Cabdi Caziiz Maxamed Cali “Hoomey” waxaa uu madaxa ku dhaliyay kubad uu soo laday cayaaryahanka lagu magacaabo Cabdullaahi Yuusuf Cusmaan, waxaana qeybtii hore ee cayaartu ay kusoo dhamaatay 1-0 ay Elman ku hogaamineysay.
Daqiiqadii 58-aad ee cayaarta ayaa Elman ay heshay Goolkii 2-aad kadib markii Cayaaryahan Sacad Saalax Xuseen uu kubad dhex dhigay Shabaqa dekedda, halka Cabdi Caziiz Hoomey uu goolkii 3-aad kooxdiisa u saxiixay daqiiqadii 65-aad ee cayaarta qeybteedii dambe.
Weeraryahan Cabdi Caziiz ayaa hada hogaaminaya tartanka gool dhalinta isagoo leh 9 gool. “Waxaan aad ugu rajo weynahay in aan noqodo gool dhaliyaha koobaad ee tartanka horyaalka”ayuu saxaafada u sheegay Hoomey.
Cayaaryahanada kala ah Sacad Saalax iyo Xasan Cali Rooble ayaa goolashii 4-aad iyo 5-aad u dhaliyay kooxda Elman daqiiqadihii 79-aad iyo 88-aad, laakin Cabdi Caziiz Xasan Ali oo naadiga Dekedda ka tirsan ayaa goolka keliya u saxiixay kooxdiisa daqiiqadii 89-aad ee cayaarta oo kunasoo dhamaatay 5-1 ay guushu ku raacday Elman 90-kii daqiiqadood ee loogu tala galay.
“Guushani waa mid aniga iyo wiilasheyduba aan fileynay xitaa ka hor intii aanay cayaartu bilaaban”sidaasi waxaa markii cayaartu dhamaatay kadib saxaafada u sheegay macalinka kooxda Elman Yuusuf Cali Nuur.
Cayaartii galabta ayaa soo jiidatay dad weyne aad u fara badan iyo sidoo kale madax ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabarow, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Saciid Maxamuud Nuur, ku xigeenadiisa Cali Saciid Guuleed Rooble iyo Cabdullaahi Abow Xuseen iyo sidoo kale cayaaryahan hore oo kubada Koleyga haatana ah la taliyaha ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Qani Cabdullaahi Hilowle “Jeenyo” oo ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu fir fircoon bahda isboortiga Soomaaliyeed ee qurba joogta ah.



