Natiijooyinkii Ciyaarihii Europa League
LONDON (CIYAARO)—Kooxda 3da mar koobkaan ku guuleysatay ee Liverpool ayaa 0-0 la gashay Sparta Prague markii ay xalay isku arkeen lugta 1aad ee Europa League ee wareega 16ka.
Ajax, FC Porto iyo CSKA Moscow ayaa laakiin guulo ka gaaray kulamdii xalay ay wada ciyaareen.
Ajax, oo koobkaan qaaday 1992 waxaa xilligaa la oran jiray UEFA Cup, waxey xalay Anderlecht kaga badisay 3-0, waxaana goolasha u kala dhaliyay Toby Alderweireld, Christian Eriksen iyo Mounir El Hamdaoui.
Tomas Necid ayaa goolka guusha u dhaliyay kooxda 2005 koobkaan qaaday ee CSKA Moscow taasoo 1-0 kaga badisay PAOK Salonika, 2003 kooxda koobkaan qaaday ee FC Porto ayaa 2-1 kaga badisay Sevilla.
Villarreal ayaa 0-0 la gashay kooxda 10-ka ciyaartoy ku ciyaareysay ee Napoli laakiin Zenit St. Petersburg, oo koobkaan qaaday 2008 oo aheyd kooxda kaliyaha ee wada badisay 6dii kulan ee group-stage ayaa 2-1 qasaaro ah ka qaadatay Young Boys.
Kooxda horyaalka French hogaamineysa ee Lille ayaa 2-2 la gashay PSV Eindhoven wallow ay rabshado aad u xoogan ka dhaceen, French TV wuxuu soo wariyay in 30 taageerayaal ah lagu xiray rabshadahaasi.
Paris Saint-Germain, oo kaalinta 2aad kaga jirta horyaalka Francen Ligue 1, ayaa 2-2 la gashay BATE Borisov.
Benfica ayaa 2-1 kaga badisay Stuttgart, Andriy Shevchenko ayaa dhaliyay mid ka mid ah 4-1 ay Dynamo Kiev kaga badisay Besiktas.
