Rajada Madrid oo ay dharbaaxo ku dhacday
MADRID (CIYAARO)—Real Madrid oo xalay 0-0 la dhaafi weysay Deportivo La Coruna ayaa waxey 7 dhibcood ka hoos martay Barcelona, taasoo Mallorca u dhiibtay 3-0 isla markaana hogaankeeda sii xoojisay.
Lionel Messi, David Villa iyo Pedro Rodriguez ayaa 3da gool u kala dhaliyay Barcelona halka Madrid, ay labo fursadoo oo soo martay ay qasaariyeen Cristiano Ronaldo iyo Emmanuel Adebayor kuwaasoo birta la dhacay kubadahooda.
Barcelona, oo hal mar oo kaliyaha laga badiyay sidii uu horyaalku u bilowday ayaa waxey aruursatay 68 dhibcood halka Madrid oo ku soo xigta ay leedahay 61 dhibcood 13 kulan ayaana horyaalka oo dhan ka dhiman.
“7 dhibcood waxey tahay ma jirto,” sidaa waxaa laga soo xigta macalinka Madrid Jose Mourinho. “waxaana ku dadaali doonaa sidii aan u soo jari laheyn farqigaasi.”
Xavi Hernandez, Carles Puyol, Daniel Alves iyo Victor Valdes ayaa ka maqnaa Barca hayeeshee wax ay u dhintay ma jirin natiijadii ay ka heleen garoonka Son Moix Stadium .
Barcelona cadaadis xoogan ayeey kala kulantay kooxda ay martida u aheyd ka hore intii uusan Messi goolkiisii 26aad ee horyaalka uusan dhalin daqiiqadii 38aad.
Pedro goolka uu dhaliyyay wuxuu u ahaa kiisii 13aad ee horyaalka uu xilli ciyaareedkaan ka dhaliyo daqiiqadii 66aad ayuuna ciyaarta ku soo xiray.
Atletico Madrid ayaa 2-2 la dhaafi weysay Sevilla halka Espanyol ay 4-1 ku garaacday Real Sociedad sidaana ay iskaga tirtirtay 4-guuldaro oo xiriir ah oo horey ugu soo dhacday.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com



