Suarez oo goolkii 1aad u dhaliyay Liverpool

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, February 3rd, 2011
Readers:1443

LONDON (CIYAARO)—Luis Suarez ayaa goolkisii 1aad u dhaliyay Liverpool xilli uu kulankiisii ugu horeeyay xalay u saftay kooxdaasi, markii uu badal ku soo galay ayuu daqiiqadii 78aad ciyaarta ka dhigay 2-0 sidaana ay kaga badiyeen Stoke.

Raul Meireles ayaa hogaanka ciyaarta u dhiibay Liverpool daqiiqadii 47aad, waana kulankii 3aad oo isku xiga oo ay badinayaan Premier League.

Manchester City ayaa 8 dhibcood waxey ka hoos martay Manchester United, markii ay xalay 2-2 la dhaafi weysay kooxda heerka hoos ee Birmingham.

Carlos Tevez ayaa dhaliyay goolkiisii 15aad ee horyaalka Premier League.

Tottenham oo booskeeda Champions League isku dayeeysa iney hesho ayaa 1-0 kaga adkaatay Blackburn , waxaana goolka u dhaliyay Peter Crouch daqiiqadii 3aad ee ciyaarta.

Manchester United ayaa waxey ku hogaamineysaa horyaalka 54 dhibcood, waxaana ku xigta Arsenal oo leh 49 dhibcood, Manchester City oo leh 46, Chelsea 44 halka Tottenham ay ka leedahay 41.

Liverpool waxey ku jirtaa booska 7aad waxey leedahay 35 dhibcood, waxey 2 dhibcood ka hooseysaa Sunderland.

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>