Udinese oo ku barbaratay Palermo

by Suni Said Salah | Posted on Sunday, February 27th, 2011
Readers:702

ROME (CIYAARO)—Udinese ayaa hal dhibic oo kaliyaha u jirta booska loogu soo baxayo koobka Champions League markii ay galabtay 7-0 dusha ugu riday Palermo kulan ka tirsanaa horyaalka Italian league.

Weeraryahanka Chile Alexis Sanchez ayaa 4 ka mid ah goolashaasi dhaliyay halka Antonio Di Natale uu 3da soo hartay dhaliyay , wuxuuna tirada goolashiisa xilli ciyaareedkaan ka dhigay 21 gool.

Weeraryahankii hore ee Juventus Amauri ayaa 2 gool oo uu u dhaliyay Parma waxey 2-2 kula gashay Roma.

Roma goolka ugu horeeyay oo ahaa rigoore waxaa u dhaliyay captain Francesco Totti, kaasoo ciyaaray kulankiisii 600aad, goolka 2ada waxaa dhaliyay Juan.

Lazio ayaa guuldaro 1-0 ah waxey kala kulantay Cagliari kaasoo ahaa mid ay iska dhaliyeen.

AC Milan  ayaa horyaalka ku hogaamineysa 55 dhibcood, Napoli is oo ku soo xigta waxey leedahay 52 dhibcood.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>