West Ham oo ku farxalatay Liverpool
LONDON (CIYAARO)—West Ham ayaa ka soo baxday halka ugu hooseysa horyaalka Premier League markii ay guuldaro u saarisay Liverpool oo ay u dhiibtay 3-1.
Scott Parker ayaa goolka 1aad u dhaliyay daqiiqadii 22aad, Demba Ba ayaa ku xijiyay kii 2aad , wuxuuna goolkaasi ahaa kiisii 3aad ee uu u dhaliyo kooxdiisa tan iyo markii uu ku soo biiray January.
Liverpool oo dooneysay iney ku dhawaato kooxda booska 5aad ee Chelsea ayaa fadeexo kala dheelmatay garoonka iyadoo goolka qura ee ay la timid ka heshay Glen Johnson.
Hammers, oo wali ku jirta xeyndaabka kooxaha laaban doona ayaa waxey isku dhibco yihiin Wolverhampton Wanderers oo ku jirta booska 17aad ee horyaalka .
Guuldaradaasi waxey Liverpool ka soo afjareysaa 6 kulan oo aan laga badin waana guuuldaradii ugu horeysay tan iyo Jan. 12keedii.
Manchester City ayaa hamigeedii horyaalka Premier League xoogaa hoos u dhac ku yimid markii ay Fulham 1-1 la dhaafi weysay.
Mario Balotelli ayaa hogaanka u dhiibay City markii uu dhaliyay goolkiisii 9aad ee xilli ciyaareedkaan daqiiqadii 26aad laakiin Damien Duff ayaa goolkaasi soo bareejeeyay.
City oo booska 3aad ku jirta waxey kooxda hogaanka heysa ee Manchester United u jirtaa 10 dhibcood.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com



