Benzema oo ku durduriyay Hercules
PARIS (CIYAARO) – Karim Benzema ayaa kulankiisii 3aad oo isku xiga Real Madrid goolal u dhaliyay markii Hercules uu caawa ka dhaliyay 2-0 ay kaga badiyeen , waxeyna haatan 4 dhibcood oo kaliyaha u jiraan Barcelona oo hogaanka ku fadhida.
Benzema ayaa wuxuu dib u helay qaab ciyaareedkiisa kadib markii uu dhaleeceyn badan kala kulmay Jose Mourinho , wuxuuna u muuqdaa markaan inuu Isfahan xagga weerarka ah uu dhexmaray isaga iyo Emmanuel Adebayor.
Real oo isku diyaarineysa kulanka muhiimka ah ee ay Champions League la ciyaareyso Lyon todobaadka soo socda , ayaa Mourinho wuxuu kursiga keydka galiyay Pepe, Xabi Alonso iyo Cristiano Ronaldo laakiin kooxda 2aad ee horyaalka ugu hooseysa waxey ka faaiideysan weysay fursadaasi.
Madrid 22 kulan oo ay garoonka Santiago Bernabeu ku ciyaartay dhamaan tartamadii ay ciyaartay loogama badin.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com



