Carrick oo heshiis cusub u saxiixay Manchester United

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, March 3rd, 2011
Readers:859

LONDON,(CIYAARO) – Xiddiga khadka dhexe ugu ciyaara Manchester United Michael Carrick ayaa 3 sano oo heshiis ah u saxiixay kooxdiisa, wuxuuna la joogi doontaa ilaa 2014, sidaasi waxaa lagu sheegay war la soo dhigay (www.manutd.com).

29-sano jirkaasi waxey United ka soo qaadatay Tottenham Hotspur 2006, wuxuuna United u ciyaaray in ka badan 200.

“aad ayaan ugu faraxsanahay in Michael uu heshiis cusub qalinka ku duugay,” sidaa waxaa laga soo xigtay Alex Ferguson. “ilaa iyo markii uu nagu soo biiray wuxuu ahaa ciyaaryahan udub dhexaad u ah kooxda.”

Carrick, wuxuu ciyaarihiisa ka soo bilaabay West Ham United, wuxuuna 3 horyaal oo Premier League ah la qaaday Manchester United sidoo kale wuxuu la qaaday 2008 koobkii Champions League.

 

 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>