Guddoomiyaha Isboortiga MN oo u duulay London & Nairobi

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, March 24th, 2011
Readers:523

Madaxa guddiga sare fulinta ee ururka horumarinta  dhallinyarada  Soomaaliyeed  ee gobolka Minnesota ,Somali Youth Development Organization in Minnesota (SYDOM) ahna guddoomiyaha guddiga isboortiga ee gobolka Minnesota Mudane Cabdi Cali Macallin ayaa safaro ugu ambabaxay wadamada  ingiriiska iyo Kenya oo ku yaalla Europe iyo Afrika.

Casho sharaf lagu sagootinayay guddoomiyaha ayaa lagu qabtay Marine Grill 2 , iyada  oo cashadaasi ay ka soo qaybgaleen xubnaha  ururka,waalidiinta,macallimiinta iyo marti sharaf halkaasi lagu casuumay.

Ugu horreyntii waxaa halkaasi ka hadlay C/qaadir Xaaji Daahir (Shiikha) oo isagu ka warbixiyay ujeedada  isu imaatinka  cashadan  iyo kaalintii horseednimo ee uu guddoomiyuhu  ka qaatay horumarinta isboortiga Soomaaliyeed guud ahaan iyo kan gobolka Minnesota.

Ma aha Wax aan ku  qiimayn karno saacado kooban waxtarkii iyo waxqabadkii Cabdi Cali  uu ku lahaa,kuna leeyahay mujtamaca Soomaaliyeed guud ahaantiisa iyo isboortiga Soomaaliyeed intaba, Waxaa uu ahaa ilaa haatana yahay dadka waqtigooda qaaliga ah u huray inay isboortiga Soomaaliyeed Caawiyaan sidaasi waxaa ka dhawaajiyay Axmed Daahir Axmed oo isagu ka mid ah xubnaha ururka Sydom.

Ma garan karo wax aan ku qiimeeyo Guddoomiye Cabdi Cali,  Waxaa uu yahay shaqsi daacad ah ,wax qabad badan,doorkiisa odaytinimo uu aad u sarreeyo,jecelna horumarka dhallinyarada Soomaaliyeed. waxaan  aaminsanahay in dabayl xoog badani ay dhinaciisa nooga soo furantay muddada uu naga  maqan yahay, si aad ahna aynu u tabi doono xilligan xasaasiga ah oo aynu u diyaargaroobayno toddobaadkii cayaaraha Soomaaliyeed 2011 ayuu si murugo leh u  yiri Cabdirisaaq Saciid  “Marshaale”. Sidoo kale waxaa iyaguna halkaasi erayo qiiro  badnaa ka soo jeediyay C/raxmaan Guuleed Cawaale “Aamaan”, iyo C/qaadir Nuune oo iyaguna aad u bogaadiyay waxqabadkii guddoomiye Cabdi Cali Macallin muddadii uu hayay hoggaanka ururkan isaga ah.

C/risaaq Marshaale, C/raxmaan Aamaan iyo C/qaadir Nuune  ayaa saddexduba  waxaa ay ka mid ahaayeen ciyaaryahannadii kubadda cagta barisamaadkii ee naadigii Batroolka,waxaana ay haatan xubno ka yihiin ururkan, iyaga oo waliba si gaar ah uga shaqeeya naadiga kubadda cagta ee ururku leeyahay ee la yiraahdo SAYEC.

Waxaa iyaguna halkaasi erayo mahadnaq iyo sii dhaweyn isugu jira  ka soo jeediyay qaar ka tirsanaa ciyaartooydii barisamaadka ee kubadda koleyga oo kala ahaa: C/qaadir Madaxey,Fartuun Nuur “Cali Dheere”, iyo Maxamuud Ciise,iyadoo khadka talefoonkana ay uga soo qaybgaleen Macallin Idiris iyo Gani xasan Nuur.

C/risaaq catoosh iyo Cali Saalax  oo iyaguna ka mid ahaa martisharaftii goobta joogtay ayaa guddoomiye Cabdi Cali ku ammaanay dadaalkii ballaarnaa ee uu ka muujiyay garab istaagga dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota iyo kaalinta firfircoon ee uu ku leeyahay bulshada ku dhaqan gobolka Minnesota.

Waxaan si aad ah u xusuustaa guddoomiye Cabdi Cali firfircoonidiisa iyo hawlkarnimadiisii Shaqo xilligii barisamaadkii isaga oo ahaa  xoghayihii degmada shingaani, haatan oo qurbajoog aynu nahayna uu wali ku dhex jiro taakulaynta, barbaarinta,toosinta iyo wacyigalinta bulshada Soomaaliyeed, waana wax aad u weyn oo muuqda oo lagu qiimayn karo guddoomiyaha ayuu sii raaciyay C/risaaq catoosh oo qudhiisa ka mid dadka ugu firfircoon bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota.

Guddoomiye Cabdi Cali oo isagu ugu dambayntii hadalka qaatay ayaa ugu horreyntii ka mahadceliyay Casha sharaftaasi loo sameeyay. Waxaan filayaa inaanu hawlo faro badan soo qabanay, haatanna ay na horyaallaan hawlo faro badan oo ay tahay in horay loo dhaqaajiyo.

In kasta oo muuqalkaygu idinka maqnaan doono intii muddo ah, haddana waxaa mar walba idinla jooga Niyaddayda oo si xoog leh idiin taageraysa, waana isku soo noqon doonaa haddii alle yiraahdo oo cimrigu noo saamaxo.

Waxaan idiin rajaynayaa oo walibana aan si aad ah ugu kalsoonahay inaad ku najaxi doontaan hawlaha idin horyaala uu ugu horreeyo Somaliweek 2011, oo khibraddeeda aad leedihiin ayuu gudoomiyuhu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Ugu dambayntii dadkii madasha fadhiyay ayaa guddoomiyaha ugu duceeyay in safarkiisa Alle u fududeeyo, dibna ugu soo celiyo magaaladiisa Minnesota isaga oo caafimaad qaba.

By Sheekh

 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>