Gudoomiyaha GOS oo heshiis taariikhi ah dhex dhigay garabyadii Sports Nairobi isku heysta+Sawiro

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, March 24th, 2011
Readers:952

Gudoomiyaha Guddiga Olympic Soomaaliyeed ee GOS Aaden Xaaji  Yabarow (Wiish) ayaa heshiis taariikhi ah dhex dhigay 2dii garab ee isku heystay hogaanka Jaaliyada Sports Soomaalida Nairobi, iyagoo wada hadal dheer kadib ku heshiisay iney midoobaan oo ay isku biiraan isla markaana ay jagooyinkii kala qeybsaday.

Mideynta 2da garab waxaa sidoo kale gacan weyn ka geystay Saciid Qoorsheel, Aadaamo, iyo Liibaan Sheikhdoon, waxaana xaflada qado ah oo lagu maamuusaayo heshiiskaasi maantay oo Khamiis ah lagu qabtay Hotel Kiliminjaro ee Nairobi.

Munaasabada qadada ah waxaa ka soo qeybgalay bahda sports Soomaaliyeed ee xilligan ku sugan Nairobi oo aan u kala harin, waxaana ka mid ahaa, Gudoomiyaha GOS Wiish, Mahamed Abdow oo ah xoghayah fulinya ee GOS, Liibaan Sheekhdoon oo ah wakiilka GOS ee Nairobi, Saciid Qoorsheel oo ahaa captainkii xulka K/koleyga Somalia, Garsoore Mohamed Farah (Dab-damis), C/lahi Baaskuwaale, Abdishakur Jeenyo, Muxiyadiin Canbar Khamiis, Aadaamo iyo kuwo kaloo aad u fara badan.

Khaliif Baggio Gudoomiyaha Sports Jaaliyadda Soomaalida Nairobi oo ka hadlaya Munaasabadii heshiiska/ Photo by Sunni

Munaasabada qadada ah oo qudbado fara badan laga soo jeediyay, waxaa dadkii goobta ka hadlay ka mid ahaa Gudoomiyaha Jaaliyada Sports Soomaalida Nairobi Khaliif Cali Axmed (Baggio) oo madasha ka  cadeeeyay inuu dhamaaday qilaafkii 2da maamul ee isku heysatay Spors Soomaalida Nairobia, isla markaasina uusan jirin doonin isqabqabsi danbe `oo ay ku qanacsanyihiin sida uu heshiisku u dhacay.

Anas Ali Mahamuud oo loo doortay Xoghayaha Guud ee Jaaliyada Sports soomaalida Nairobi ayaa sheegay in illah ka sakow ay mahad heshiiskaan leeyihiin Guddiga Olympic Soomaaliyeed ee GOS gaar ahaan Wiish oo uu sheegay in heshiiskaan uu sabab u ahaa.

 

Anas Ali Xoghayaha guud ee jaaliyada Sports Soomaalida Nairobi oo munaasabada ka hadlayay/ Photo By Sunni

Anas wuxuu sheegay in hada ay ku tala jiraan iney sameeyaan 2 kooxood oo mid ka mid ah ay tahay Basketball mida kalana ay tahay Hanball kuwaasoo uu sheegay iney ka qeybgali gali doonaan horyaalada dalka Kenya.

Saciid Qoorsheel Captain-kii hore xulka Basketball-ka Soomaaliya oo xafladii heshiiska ka hadlaya/ Photo By Sunni

Saciid Qoorsheel ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in hada kadib uusan arki doonin wax qilaaf ah oo ka dhex jira sports Soomaalida Nairobi , waxey aheyd ayuu yirin in iyagu ay gartaan in ay heshiiyaan laakiin ma noqon, sidaa dartee in lala xisaabtami doono ha ogaadaan, “qofkii ka horyimaada wixii lagu heshiiyay si toos ah ayaa maamulka looga saari doonaa”  ayuu yiri.

Munaasabada waxaa soo xiray Goomiyaha GOS Aaden Xaaji Yabarow (Wiish) oo sheegay in markii uu Nairobi imaanayay 2da garab uu mid walba si gooni ah u soo dhaweeyay, “markii aan aragnay qilaafka meesha ka jira waxaan go’aansanay in aanan meesha ka tagin ilaa aan heshiis dhexdhigno 2da maamul” ayuu yiri Mr Wiish.

Gudoomiyaha GOS Wiish oo xafladii xiritaanka heshiiska ka hadlaya/ Photo by Sunni

“Bixitaankeygii waan baajiyay, waqti badan ayeeyna nagu qaadatay in aan heshiis ku soo afjarno qilaafka jiray, Anas iyo Khaliif si fiican ayeey noo sharfeen, waxeyna naga aqbaleen in ay qaataan wax walba oo aan go’aan ku soo gaarno, ilaah mahadii wey naga aqbaleen wixii aan u soo jeedinaya oo ahaa iney sameystaan maamul mideysan oo ay ku mideysan yihiin” ayuu Mr Wiish hadalkiisii ku soo gabagabeeyay.

Bahdii Sports ee munaasabada ka soo qeybgashay/ Photo By Sunni

Munaasabada qadada ah ee lagu maamuusayay heshiiska taariikhiga ah ee ay gaareen 2dii maamul ee isku heysta madaxtinimada Sports Soomaalida Nairobi ayaa waxaa looga dhawaaqay guddiga Maamulaya Sports Soomaalida Nairobi iyo Golaha marjaca ee loo noqonayo hadii isfaham daro ay timaado.

LIiska Guddiga Sports Soomaalida Kenya

Khalif Ali Ahmed (Baggio)                     Gudoomiye
Mohamed Salaad Daqare                     Gudoomiye ku xigeen
Abdirisaaq Moh(Cabdirisaaq dheer)  Gudoomiye ku xigeen
Anas Ali Mahamuud                               Xoghayaha guud
Abdishakuur Jeenyo                                Hanti dhowre
iyo 4 xubnood

Golaha Marjaca

Abdulahi Yusuf Ali (Baskuwaale)
Abdishakur Jenyo
Abdulahi Omar Shire
Abdi Farah (Macalin Gelle)
Muhiyadin Anbar Khamis
Abdikarin Ahmed Iligey

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com

 

Related posts:

Tags
Displaying 2 Comments
Add Your Comment
  1. Abdulkadir Hassan Haile (FIFA ref) says:

    Waa arrin aad muhiim u ah runtiina waxaan mahad balaaran u celinayaa intii isku mashquulisay dhamaynta qilaafkii ka jiray jaaliyada,

  2. saeed ali says:

    waa arrin farxad u ah bahweynta isbootiga somaliya waayo isqab-qabsi isboortigu uma aha horumar,waxaana u mahad celinayaa dhamaan dadkii isku mashquuliyey dhameynta qilafkaas guud ahaan,gaar ahaan gudoomiyaha guddiga olimbikada somaliyeed iyo asxaabtii kulankaas dhex dhexaadinta ah ku guuleesatay.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>