Gudoomiye Wiish “Dadka dhaliilsan maamulkeena wadanka ha yimaadaan” Wareysi
Gudoomiyaha Guddiga Olympic Soomaaliyeed Aden Xaaji yabarow (Wish) oo Nairobi safar shaqo maalnihii la soo dhaafay ku joogay ayaa www.ciyaaro.com siiyay wareysi gooni ah uu kaga hadlayo marxaladihii uu sports Soomaaliya guud ahaan soo maray iyo dhaliilaha ay dadka qurba jooga ah inta badan u soo jeediyaan.
Mr Wish oo mudo 40 sano ku dhow ku soo guda jiray Sports Soomaaliya , xillal kala duwana ka soo qabtay wasaaradii sports Soomaaliya iyo xiriirka kubadda koleyga isla markaana soo noqday garsoore caalamiyaha oo kubadda koleyga ah ayaa wuxuu wareysigaan kaga hadli doonaa sidii uu ku soo bilaamay Sports Soomaaliya.
Dhaqdhaqaaqa sports Soomaaliya side ayuu ku bilowday..?
1960-kii ayuu Sports soomaaliya dhadhaqaaqiisa uu soo bilaamay, waxaana markaasi jiray kooxo kubadda cagta ah oo fara ku tiris ahaa, wax maamul ah ma laheyn sports Soomaliya waxaa jiray guddiyo iska caadi ah oo iskood isku xilqaamay, iskuna maamuli jiray oo aan cidna hoos tagi jirin .
horumarka Sporst Soomaaliya goormuu bilowday..?
Wixii ka danbeeyay 1970-kii ayuu luguhiisa isku taagay sports soomaaliya, waxeyna dowladii xilligaa jirtay ay Sports nuucyadiisa kala duwan ku sameysay horumarin weyn, iyagoo xooga saartay sidii loo soo saari lahaa ciyaartoy da’yar oo mustaqbalka soomaaliya anfacda, sidaa dartee waxey bilaabeen qabashada tartankii dugsiyada, degmooyinka iyo gobolada.
1972 markii ugu horeysay waxey dowladii xilligaa jirtay waxey qabatay isreebreebkii ciyaarihii gobolada Soomaaliya oo dhan oo nuuc walba leh, iyadoo Zoon, Zoon isreebreebka loo soo mari jiray, kadibna 1973, 8 gobol oo ciyaaraha nuucyadiisa kala duwan leh ayaa iskugu soo haray tartankii gobolada oo muqdisho si rasmi ah ugu furmay, kaasoo sanad walba la ciyaari jiray marka laga reebo 1977 oo ay soomaaliya dagaal kula jirtay Ethiopia.
Yaa maamuli jiray Sporst Soomaaliya xilligaasi..?
Wasiirka Sporst ayaa maamuli jiray sports oo dhan, mana jirin wax doorasho ah oo si xor ah u dhici jiray, ma jirin xiriir si gooni ah u madax banaanaa , sidoo kale ma jirin wax la yiraah Guddi Olympic oo sida hada u maamula sporst oo dhan, wax walba waxaa sameyn jiray wasiirka Sports , isaga ayaa magacaabi jiray madaxda xiriirada, isaga ayaa wax uu dooni ka sameyn jiray Sports guud ahaan. Laakiin hada sports iyo Siyaasada waa la kala saaray , wasiir sports ma soo fara galin karo howlaha sports , siyaasad ahaan mooyee dhaqdhaqaaq ahaan wax shaqo ah kuma lahan.
Ma jiraan Ciyaartoy Soomaaliyeed oo magac ku leh aduunka oo record dhigay ?
Haa, wey jiraan waxaa laga xusi karaa allah u naxariitee Halyeeygiii booda sare ee Soomaaliya Cabdulle Nuur Waasuge, oo noqday cayaryahankii ugu horreeyay ee qaranka Soomaaliyeed u keena billad Dahab ah, markii uu ku guuleystay tartankii boodada sare ee dalalka bariga iyo bartamaha Africa bishii March 1974-kii ee lagu qabtay Nairobi, Kenya. 1972-kii ayuu mar kale Waasuge ku guuleystay billada dahabka ee isla tartankaasi oo ka dhacay dalka Tanzania.
1986 Abdi Bille Abdi ayaa noqday horyaalka aduunka ee orodka 1500 miter ciyaarihii Olympic aduunka ee Room lagu qabtay iyo Jaamac Mahamuud Aden (karaaciin) oo kaalamaha 2 illaa 3aad ka galay orodada Africa.
Ma jiraan shaqsiyaad sport oo macalimiin aduunka ah..?
Haa, wey jiraan, Jaamac karaaciin waa macalinka xulka qaranka Ciyaaraha fudud ee Qatar, wuxuu horey macalin ugu soo noqday xulalka, Sudan iyo sacuudiga. Intaa waxaa dheer in sanadkaan loo doortay macalinka ugu fiican dalalka carabta.
Sidoo kale Abdi Bille wuxuu yahay yahay macalinka Ciyaaraha Fudud ee xulka qaranka Sacuudiga.
Ma jiraa xul Soomaaliyeed oo ku guuleystay koob caalami ah?
Soomaaliya guusha kaliyaha ee ay tartan caalami ah ka gaareen waxaa gaaray kubadda koleyga, sanadkii 1988 wiilasha kubadda koleyga ee Soomaaliya waxey ku guuleysteen koobkii ciyaaraha carabta , isla sanadkaasi gabadhaha xulka soomaaliya waxey ku guuleysteen tartankii ciyaaraha carabta ee gabdhaha.
Burburkii Dowladii dhexe kadib sports siduu u hana qaaday?
1991 markii ay burburtay dowladii dhexe , bahdii sports waxey sameeyeen guddiga ka shaqeeya howlaha Sport dalka oo madax looga dhigay Nuur Xuseen (Nuur Jeenyo), waxaan garoonka Banadir Stadium ku qabanay tartankii ugu horeeyay oo la oran jiray koobkii Rajo soo celinta, waxaana nagala soo qeybgalay safiirkii Mareykanka ee Soomaaliya Robert be Okley.
1993 waxaan Soomaaliya markii ugu horeysay yeelatay Gudigga Olympic-da iyo xiriiro si madax banaan loo doortay oo gaarayay ilaa iyo 5 xiriir, waxaana Gudoomiyaha guddiga Olympic xilligaasi loo doortay Faraha Zendiko, doorashadaasi kadib Soomaaliya aqoonsi buuxa ayeey ka heshay hay’adaha sports aduunka.
1996 waxey soomaaliya markii ugu horeysay taariikhdeeda ka qeybgashay ciyaarihii Olympic aduunka ee Atlanta, mareykanka lagu qabtay, sidoo kale 2009 soomaaliya waxey markii ugu horeysay ka qeybgashay shirweynihii Olympic aduunka ee lagu qabtay Copenhagen, Denmark.
Muxuu yahay farqiga u dhaxeeyay Sports Soomaaliya 20kii sano ee dowlada iyo 20kii sano ee Burburka?
Marka laga eego tayada ciyaartoyda iyo kooxaha, xulalka, gobolada , degmooyinka , Schoolada iyo guud ahaan horumarinta Sports 20kii sano ee dowlada ayuu wanaagsanaa, laakiin marka la eego 20kii sano ee burburka Soomaaliya waxey heshay markeedii ugu horeysay iney si joogto ah ugu qeybgasho tartamada caalamiga ah, shirarka caalamiga ah, waxbarashooyin caalami ah iyo tababaro caalami ah oo aysan horey u helin, marka 20 sanaba waxeybo gooni ah ayuu ku wanaagsanyahay.
tartamao caalami ah ayaad ka qeybgashiin hadan wax guul ah kama keentiin maxaa dhacay?
Uma aadno tartamadaasi in aan guul ka keeno ee waxaan u aadnaa in aan ka qeybgalno oo aan soomaaliya aan laga weyn meelaha aduunyada kale ay iskugu imaaneyso, waad ogtahay xaalada uu wadankeenu ku sugan yahay, xabad ayaan ku dhex noolnahay hadana sporst ayaan wadnaa , ciyaatoy aan heysan nolosha aas-aasiga ah ayaad leedahay guul ha keeno sideey ku dhaceysaa, wadan aysan ka jirin wax nolol ah ayaan howlo ka wadnaa.
Somalia wax kaliyaha ee maantay ka nool waa sports isagana sida aan ku wadno ilahey ayaa og, garoomadii Somalia lagu ciyaari jiray goobo dagaal ayeey noqdeen , maalin walba carar iyo qax ayaan ku jirnaa hadana sport in uusan dhiman ayaan ka shaqeynaa.
Dhibaatooyin kale ee na heysta waxaa ka mid ah macalin ajanabi ah wadanka ma keeni karno sababo amaan daro dartee, hadii aan macalin Soomaaliyeed dalka dibadiisa u dirnana ma soo noqonayo wuu baxsanayaa.
hada maxaa idiin qorsheysan?
Xaalado adag ayaan ku shaqeynaa sida aan horey kuugu sheegay hadan waxaan noo qorsheysan in aan ka qeybgalno tartamo caalami ah oo ay ka mid yihiin.
-All African Games oo bisha Augusto2011 ka dhici doona dalka Mozambique
-Tartanka Olympic carabta oo bisha November 2011 ka dhici doona Qatar.
-Ciyaaraha Olympic aduunka oo London ka dhici doona 2012.
Dhaliilo
waxaa jira dhaliilo xoogan oo idin kaga imaanaya qurba joogto Sporst Soomaalida maxaad iskaga difaaceysaan eedahaasi?
Dad noll raaxo ah ku nool maba na eedeyn karaan anaga , waan ogolnahay in nala dhaliilo oo wax qabadkeena waxa ka qaldan la sheego laakiin waxaan leeyahay dalka gudihiisa imaada markaasi nala dooda, in qurbaha la iska soo eedeyno wax micno ah oo kordhineyso ma jiraan.
Dhibka aan ku jirno markii ay nala soo galaan waan qaadaneynaa eedooda, waana wada hadli karnaa laakiin la yaabi maayoo soomaalida ayaa waxaa caado u noqotay sanadahaan danbe iney wixii dhisanba burburiyaan oo aysan aqoon sida wax loo dhisto




marka hore waxaan salaamayaa GOS Aden xaaji yabarow wiish mar walba waxaa tahay Aabihii sportis somaliyeed, waxaa dhawaannahaan yimid eedeymo aad u culus oo xattaa dulqaadkii laga tegay,somali haddii nahay qalad wey dhacaan waana dhici jiray,marka waa in la fiiriyaa qofka wax qabadkiisa suu ahaa intii hore maamulka soo waday,hal qalad waa la saxi karaa,in leysku xumeyo ma fiicna,sida Eng Baana xilka laga qaaday waa in wax loo sheegaa in la sii xumeyo ma fiicneen,ama la suggo waqtiga isbedelka xiriiradda la gaaro,waa la sugi wayey,koley waxaan leyahay wiish arimahaan waa in soo dhexgashaa wixii awooddaada sameysaa haddii aad tahay guddoomiyihii GOS
waxaa la yiri meydka waxaa aassa ehelka dadka laga dhintay haddii la wayo tolkiisa,haddii la wayo qofkasta muslin ah,intaas waxaa loo yeelayaa haddii la aassin waxaaa imanayaa cudur oo meesha dhan jiro ayaa imaaanayaa,xiriirka haddii xumaato ka jiro waa in aad xalisaan haddii kale cudurka idin soo gaarayaa Asalaamo Caleykum w/w Raali ha laga noqdo
Horta kalmada Aabo naga daaya. Aabbo nin dictator ah ayaa yiraah aabbo i dhaha. Ninkaan Wiish waxa uu yiri meesha uma tagno inaan guul ka keeno. Waxaa wanaagsan inuu yiraan itaalka ayaa meesha na dhigay ee dadaalo naguma yara. Mida kale waxa uu yiri ninka raba inuu haddlo wadanka ha yimaado haddana waxa uu lee yahay wadanku nabad ma ahan. Ma anigaa waalan mise Cadan ayaa laga heesayaa. Haddiise qofku wadanka yimaado, waxaa xagee wadanka ma Kismaayaa, mise Baydhabo, mise Hiiraan, Mise Gaalkacyo, mise Buuhoodle, Mise Burco, mise Bari, mise Kaaraan. Wiish waxaan lee yahay meel kasta maanta isbaaro ayaa idiin taal isboortiga ayaana ugu danbeeyn doona isbaradiina. 40 sano ku dhawaad ayaa tuubo kuugu jirataa sportiga oo aad visa iyo lacag ku cuntaan. Haddana London ayaad sugaysaan inaad visaha ka heshaan oo aad 20 reerkaada ah ku soo geliso qaarna iibsato.