Hernandez oo kala diray Marseille
by Suni Said Salah | Posted on Wednesday, March 16th, 2011
Readers:703
MANCHESTER, England (CIYAARO)—Javier Hernandez ayaa 2 gool oo uu u dhaliyay Manchester United wuxuu ugu suuragaliyay iney u soo baxaan Champions League quarterfinal-kiisa markii ay 2-1 kaga badisay Marseille.
Lugtii 1aad ee 2da kooxood wuxuu ku soo idlaaday 0-0, balse Hernandez ayaa United hogaanka u dhiibay daqiiqadii 5aad.
laakiin goolkiisii 15aad weeraryahanka reer Mexico wuxuu u dhaliyay United daqiiqadii 75aad.
Marseille goolka ay garoonka ka dhalisay waxey heshay daqiiqadii 83aad waxaana u dhaliyay Wes Brown oo kooxdiisa ka dhaliyay goolkaasi.
Marseille, waxey dooneysay iney markii ugu horeysay u soo baxdo quarterfinal-ka laga soo bilaabo markii ay koobkaan ku guuleysatay 1992-3.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com
Related posts:
Barca sign Chile forward Sanchez for ?26 million
Gudoomiyihii Olympic-da Soomaaliya & kii k/cagta oo qarax lagu dilay
44 sano kadib City oo noqotay horyaalka England



