Messi & Mourinho oo mushaarka ugu badan qaata aduunka
Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa loo aqoonsaday inuu yahay ciyaaryahanka ugu mushaarka badan k/cagta aduunka halka macalinka Real Madrid Jose Mourinho uu yahay macalinka ugu mushaarka badan aduunka, sida ay leedahay France Football magazine.
Xiddiga reer Argentina oo 2dii sano ee ugu danbeysay noqday laacibka aduunka ayaa wuxuu sanadkii mushaar ahaan u qaataa €31 million.
Mushaarka Messi uu k/cagta ka qaato marka loo eego kan Tiger Woods, farqi weyn ayaa u dhaxeeya , xiddiga ciyaarta Golf caanka ku ah waa xiddiga ugu mushaarka badan caalamka wax sporti-ga oo dhan ciyaara nuuc walba oo uu yahay , wuxuuna mushaar ahaan u qaataa sanadkii 53mn euros.
Messi, ciyaaryahanka ku soo xigga xagga mushaarka k/cagta caalamka waxaa lagu sheegay inuu yahay weeraryahanka Real Madrid, Cristiano Ronaldo oo sanadkii mushaar ahaan u qaata 27.5mn euros.
Weeraryahanka Manchester United Wayne Rooney ayaa kaalinta 3aad ku jira wuxuuna mushaar ahaan sanadkii u qaataa 20.7mn euros.
Horyaalka k/cagta ee Premier League oo ah horyaalka loogu jecel yahay aduunka ayaa wuxuu list 20-ka ciyaartoy ee ugu mushaarka badan ku leeyahay 7 ciyaartoy.
David Beckham iyoThierry Henry, oo ka ciyaara horyaalka MLS ee United States, ayaa list waxey kaga kala jiraan kaalmaha 5aad iyo 11 waxeyna mushaar ahaan sanadkii u qaataan 19mn iyo 13.6mn.
Macalinka ugu mushaarka badan k/cagta caalamka waxaa noqday Mourinho oo sanadkii mushaar ahaan u qaata €13.5m..
Macalinka Barcelona Pep Guardiola ayaa ah kan 2aad ee ugu mushaarka badan waxaana sanadkii mushaar ahaan u soo gala aduun gaaraya €10.5m
Rafael Benitez, oo hada aan wax shaqo ah aan qaban ayaa wuxuu qaataa €10.2m. halka Fabio Capello oo kaalinta 4aad list kaga jira oo sanadkii mushaar ahaan u qaato €8.5m.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com




yuo are best man in world