Real Madrid oo 7 sano kadib gaartay quarter-ka CHL
by Suni Said Salah | Posted on Thursday, March 17th, 2011
Readers:936
MADRID (CIYAARO)—Real Madrid ayaa markii ugu horeysay gaartay Champions League heerkiisa quarterfinal-ka mudo 7 sano ah, markii ay 3-0 kaga badisay Lyon , goolasha waxaa u kala dhaliyay Marcelo, Karim Benzema iyo Angel Di Maria.
Madrid waxey ku soo baxday 4-1 isku celcelis ahaan, waxeyna tani u tahay markii ugu horeysay oo ay timaado heerkaan laga soo bilaabo 2004 oo ciyaarta semifinals ah ay ku soo reebtay Monaco.
Real, oo Champions League ugu danbeeyay oo ay qaado ku guuleysatay 2002, ayaa 7 mar oo hore ku guuldareysatay iney ka badiso Lyon , heerkaan oo kale ayaa sanadkii tagay laga reebay Madrid.
Isku aadka ciyaaraha quarter-final-ka waxaa la sameyn doonaa maalinta Friday.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com
Related posts:
Van Persie oo goolkii 11d u dhaliya Arsenal & Newcastle oo laga badin la'yahay
Kaladze oo biiray siyaasadda kana tagaya ciyaaraha




waxaan ahay taageero realmadrid waan ku faraxsanahay todowo sano kadib inaan u soobaxno wareega sideeda .hadaan kahadlo lion sanadahaan ugu danbay waxa ay naga dhigatay wado .lkn.hada majirto caqaba ugu wayn waa barca hadaan garaacno naadi kale oo nacelinkaro majiraan hadaan nahay taageerayaasha madrid meelmalbo aydunida kajoogaan waxaa kamuuqda qiirad waa sanadkeena waa sanadkii j.murinho waa sanadkii köobkii tubanaad ee qaarada yurub.hambalyo hambalyo j.murinho….