Roberto Mancini oo dib ugu yeertey Cabdisalaam Ibraahim

by Suni Said Salah | Posted on Saturday, March 26th, 2011
Readers:947

Ciyaaryahan Cabdisalaam Caddaay oo loan ugu maqnaa kooxda  Scunthorpe United ayaa dib ugu soo laabtey kooxdiisii kadib markii macalinka kooxda Man City macalin Mancini ay la soo daristey culeys dhawacyado badan oo soo gaarey ciyaaryahanadiisa

Cabdisalaam Ibraahim ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Manchester islamarkaana dib ula bilaabey tababarka kooxda koowaad ee Man City.

Intii uu ku maqnaa kooxda Scunthorpe United ayuu ku soo bandhigey ciyaar wanaag ciyaarihii uu safanayey dhamaantood, taasoo ku qasabtey in macalin Roberto Mancini u baahdo ciyaaryahankaan mustaqbalka wanaagsan leh.

Ciyaaraha soo socda waxaa macquul ah inuu ka soo dhex muuqdo kulamada adag  ee uga harey horyaalka kooxdiisa.

Ciyaaryahan Cabdisalaam oo dadaal ugu jira sidii uu wax ula qaybsan lahaa  xidigaha caalamka ugu qaalisan ee  u safta kooxda Manchester City ayaa Allah uga rajeynayaa inuu u fududeeyo dadaalkiisa wanaagsan.

SSPAMEDIA  ayaa lagu martiqaadey inay si toos ah uga qayb gasho kulamada u harsan kooxda Man City koobka  horyaalka iyo FA Cup.

W/D: Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>