Barcelona oo dacweyneysa Tababare Mourinho

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, April 28th, 2011
Readers:1220

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaan inay haatan diyaarineyso dacwad ka dhan ah Macalinka Kooxda Real Madrid Jose Mourinho oo ay ku heystaan hadaladii kulalaa ee uu jeediyay ka dib ciyaartii xalay.

Maamulka sare ee Barcelona ayaa sheegay inaan hadda waxii ka dambeeya aanan loo dulqaadan doonin hadalado Mourinho,iyagoona sheegay in saacadaha soo socdo ay dacwad ka dhan ah u gudbin doonaan xiriirka k/cagta qaarada yurub ee Uefa.

Waxeyna maamulka sidoo kale xaqiijiyeen inay diyaariyeen warbaxin dhameystiran oo ka hadleyso waxii ka dhacay garoonka Bernabue iyo hadaladii uu jeediyay Mourinho ciyaarta ka dib,taasi oo ay ku doonayaan in lagu ganaaxo tababare Mourinho.

Tababare Specia One ayaa ka dib dhamadkii ciyaarta shir jaraa’id uu qabtay ku weeraray kooxda Barcelona ,isagoona jeediyay hadalo ay la yaabeen bahweynta isboortiga,waxuuna shegay inay soo laabatay fadeexadii stamford Bridge oo ula jeeday ciyaartii 1-1 ee Semi finaalkii Barcelona iyo Chelsea.

Mourinho waxuu is weydiiyay guulaha Barc cida ka garab siineyso,gaar ahaan ciyaarihii tartaankaani ee sanadihii dhawaa,waxuuna Tababare Mou si gaar ah farta ugu taagay ciyaarihii Chelsea iyo Barcelona ee 1-1 ku dhamaatay taasi oo garsoore ka ahaa  Ovrevo,iyo ciyaartii kale ee Barcelona iyo Arsenal ee sanadkaani.

“..Guardiolo waa macalin wanaagsan,kooxdiisane waan ugu hambalyeynaa guusha,balse waa guul ay si kale ku keeneen,ma garanayo heerka ay gaarsiisantahay awooda ay Barcelona ku leedahay xiriirka yurub,laga yaabee in madaxweynaha xiriirka Spain Angel uu xiriir wanaagsan la leeyahay Uefa ama laga yaabee in kooxda ay xayeysiis u sameyso hay’adda Unicef..xaqiiqdii waan fahi la ahay arintaani..” sidaasi waxaa yiri Mourinho.

Hadaladaani ka soo yeeray Mourinho ayaa laga yaabee inuu ku muteysto ciqaab iyo ganaax adag,iyadoona sidoo kale la filayo in ka tarabuunka ka dawado ciyaarta lugta 2-aad ee Camp Nou ka dhici doonto.

Ciyaartii xalay ka dhacday garoonka kooxda Real ayaa aheyd mid foodo badan,iyadoona intii ay ciyarata socotay garoonka laga saaray Pepe sidoo kale goolhayah 2-aad ee Barcelona Binto iyo Mourinho ayaa banaanka kaarka cas lagu siiyay.

Xuseen Maxamed Cabdulle(Riiko)
www.facebook.com/xuseenriiko

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>