DR. Cali Cusmaan oo hambalyo u diraya guddiga Sports Ohio

by Suni Said Salah | Posted on Wednesday, April 27th, 2011
Readers:531

“Guddiga Isboortiga ee Magaaladda Atlanta waxa siyaasadooda saldhig u ah in ay ka qeyb galaan Tartamadda Isboortiga ee lagu dhiirigelinaayo gaar ahaan dhaalanka soo koraya iyagoo ku saleeyey dastuurkooda iyo nidaamka u degsan Hay’adaha caalamka ee hogaamiyaha Isboortiga” sida waxa yiri Gudoomiyaha Isboortiga iyo Dhaqanka ee Georgia Mudane Dr. Cali Cusmaan cali.

Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka iyagoo ka duulaayo Siyaasadda guud ee Isboortiga ayeey waxay sanadkaan ka qeyb galeen Tartan Isboorti oo lagu qabtay Magaaladda Columbus-Ohio oo ay abaabuleen Guddiga Isboortiga ee OHIO oo sanadkaan muujiyey Dadaal aan loo kala harin iyagoo halka iskugu keenay Dhalinyaro aad iyo aad u fara badan oo tartankaasi ka qeyb galaayey.

Ciyaartii kama danbeysta ahaa waxaa iskugu soo haray Kooxda Kubadda Cagte ee OHIO iyo Kooxda Kubadda Cagta ee Mineapolis waxaana halkaa guushii ku raacday Kooxdii ka socotay Meneapolis oo runtii xirfad Ciyaareed aad u heer sareysa halkaa ka muujiye,waxa kaloo kooxdaasi guusha ay gaartay loo tirinayaa Tababarahooda Mudane Cabdulaahi Morgan oo ka mid ah Halyeyadda Soomaaliyeed ee Taarikhda dheer ku leh Isboortiga Soomaaliyee,Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka ee Atlanta waxay idin soo dirayaan hambalyo kal iyo laab ah guushaas taarikhi ah oo aad gaarteen,waxa kaloo sanadkaan bilicda Ciyaarta aad kor ugu qaaday Halyeeyadda ka soo qeyb galay oo dhamaantood taarikh ku leh Isboortiga Soomaaliyeed oo kala ah.:

1)DR. XASAN JILICOW MASLAX…………….KUXIGIHII DUQA MAGAALADDA MUQ.

2)DR, CALI CUSMAAN CALI…………………..XOGHAYAHII HORE EE GOS

3)TABABARE IBRAHIM SUUDAANI…………TABABARI XULKA QARANKA

4)TABABARE MAXAMED X. GIFTIN………..TABABARI MADBACADDA

5)MAXAMED XASAN QOLOF…………………GARSOORE CAALAMI EE FIFA

6)AWEYS FUNDI…………………………………KOOXDII K. CAGTA EE HORSEED X. Q.

7)MUKHTAAR CUTI ……………………………KOOXDII BATROOLKA IYO XULKA Q.

8)KHALIIF RIIKO………………………………..KOOXDII DEKADDA IYO XULKA QARANKA.

9)TABABARE TUKE……………………………KOOXDII LLPP IYO XULKA QARANKA.

10)MAXAMED XAAJI UUREY……………….KOOXDII LLPP IYO XULKA QARANKA

11)CABDI YUSUF………………………………GUD. ISB. GOBOLKA BENAADIR.

12)BAASHI CALI BAASHI ………………….KOOXDII KUBADDA CAGTA EE LLPP

13)MAXAMED MUSLIMIIN………………….KOOXDII KUBADDA CAGTA EE MUQDISHU.

14)JAAMACEY CALI…………………………KOOXDII NAADIGA MUQDISHU.

15)YUUSUF MARSHAALE ………………..XULKII KOOXDII TOGDHEER.

16)CALI MATAAN……………………………XOGHAYAHA ARR. DIB. E GU. ATLANTA.

17)JEEGAXIIR………………………………..KOOXDII KUBADDA K. EE N. MUQDISHUU.

18)CABDISAMAD……………………………KOOXDII K. CAGTA EE N. MUQDISHUU

19)CABDULAAHI MORGAN………………KOOXDII KUBADDA CAGTA EE N. WAGAD.

20)AXMADEY B……………………………..KOOXDII K. KOL. EE N. MUQDISHUU.

21)MAXAMED CABDI SEYGA…………..MADAXA KOOXDA JUBBA.

22)CABDULAAHI XERSI CABDI ………GUDOOMIHII XSCF.

“Waxan waligey qalbigeyga ka baxeynin ka soo qeyb galkii tartamadaasi ay ka soo qeyb gashay Halyey Marwo MARYAN MURSAL CIISE oo ka mid aheyd fanaaniinta Hoboladda Waaberi oo taarikh ma guurta ku leh dalka Soomaaliyeed,waxayna dhalinyaradda ka soo qeyb gashay tartankaasi ay la daba joogtay heeso ku abuuraayo shucuur wadaninimo oo qof kasto halkaa joogay uu dareemay qiiro wadaninimo,waxayna ka soo qeyb galkeedii kor u qaaday moraalka dhalintii halkaa joogtay”.

Anigoo ku hadlaya magaca bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed waxaana halkaan Hambalyo iyo boogaadin ugu dirayaa Halyey Maryam Mursal sida ay mar kastaba u muujiso wadaninimadda,sidaas waxaa yiri isagoo qiireysan Dr. Cali Cusmaan Cali,wuxuuna ku soo gabagabeeyay Guul Guddiga Isboortiga ee OHIO iyo fanaanadda Maryam Mursal Ciise.

 

 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>