GOS oo Muqdisho ka furtay tababarka xagga maamulka ah

by Suni Said Salah | Posted on Saturday, April 23rd, 2011
Readers:287

Gudiga olombikada soomaliyeed ee GOS ayaa maanta markii ugu horeysay inta la xusuusan yahay waxay muqdisho ka furtey seminaar dhinaca maamulka Sportiga ah, kaasi oo ay ka qeyb galayaan maamulo ka socda xiriirada kala duwan ee hoos taga GOS iyo bahda arimaha bulshada sida jaamacadaha.

Xafladii furitaanka tababarkan oo ka dhacdey hotelka shamow ee magaalada muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxda ugu sareysa Gudiga olympicada soomnaliyeed ee GOS iyo wasaaradda Dhalinyarada iyo sportiga DKMG ee soomaliya.

Ugu horeyntii waxaa halkasi ka hadley Duraan Axmed Faarax oo ah Gudoomiye -ku xigeenka 1-aad ee GOS isagoo sharaxaad dheer ka bixiyey juhdiga ay GOS u soo galeen qabashada seminaarkaasi.

“Runtii tababarkan waxaa uu yahay mid la mid ah kan caalamka lagu qabto,waxana casharada soconaaaya mudada halka sano ah bixin doona tababarayaal takhasus gaara u leh maamulka sportiga oo shahaadooyin ku qaatay dalka dibadiisa ayuu raaciyey Duraan”.

Gudoomiyaha gudigga Olympicada soomaliyeed ee GOS Aaden xaaji yabaroow (WIISH) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegey in GOS aysan keligeed isku koobeyn Aqoonta dhinaca Sportiga ah, waxayna GOS ka dhabeyneysaa inay fuliso balan qaadyadii ay bahda sportiga u balan qaadeen markii nala soo doortey ayuu si farxad leh u yiri WIISH oo aad u dhoola cadeynayey ayna ka muuqatay sida uu ugu faraxsan yahay in tababarkan ay ku qabtaan gudaha dalka.

Mudane Wiish ayaa xusey in tababarkan ay ka faaideysan doonaan madaxda qaar ka tirsan xiriirada iyo qeybaha kale ee bulshada sida jaamacadaha maamulo ka socdey oo goob joog u ahaa ka qeyb qadashada tababarka ‘Advanced Sport Managemen Cours- Organizing An Olympic Sports Organization Module’.

“Waxaad ogaataan in cid kale aysan imaanayn oo aysan ka qeyb galeynin intiina halkan fadhida ayaa u qoran GOS isla markaana liiskiinu waxaa uu jiraa IOC oo ah heysadda ugu sareysa olympicada caalamka ayuu kula kaftamey Wiish bahdii meesha fadhiday”.

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi ka hadlay oo xariga ka jarey tababarka Xildhibaan Cali Sheekh C/laahi {Cali Afgooye} oo ah Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhallinyarada Isboortiga, DKMG ee soomliya, isagoo sheegey sida uu ugu faraxsan yahay ka qeyb galka xafladda furitaanka tababarkan, isagoo si weyn ugu mahadceliyey Gudiga olombikada soomaliyeed ee GOS dadaalka ay ugu jiraan horumarinta sportiga dalka, isagoo ugu danbeyntii ka qeybgalayaasha seminaarka kula dar daarmay inay ku dadaalaan inay jiilka kale u gudbiyaan wixii ay halkaasi ka bartaan.

Waa seminaarkii ugu horeeyey ee noociisa ah oo lagu hormarinaayo aqoonta maamulada sporti ee dalka oo ay ku guuleystaan GOS oo garab ka helaya IOC -iyo Olympic Solidarity”.waxaana laga filan karaa inay wax weyn ka bedeli doonto aqoon yarida bahda maamulada sporti ee dalka.

C/xafiid C/samad zaciimka
zaciimka02@hotmail.com

 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>