Man United oo 7 dhibcood ay horyaalka ka xigto

by Suni Said Salah | Posted on Saturday, April 23rd, 2011
Readers:468

LONDON (CIYAARO)—Manchester United ayaa qarka u saaran horyaalkii 19aad markii ay 1-0 kaga adkaatay Everton iyadoo Fernando Torres uu abaartii gool dhalinta ka heysatay ka baxay markii uu dhaliyay gool ka mid ah 3-0 ay Chelsea kaga badisay West Ham.

Javier Hernandez ayaa dhaliyay goolka United ay ku badisay daqiiqadii 84aad ee ciyaartii ka dhacday Old Trafford, waxaana horyaalka qaadashadiisa ka xigta 7 dhibcood oo kaliyaha , 4 kulan oo kaliyaha ayaa dhiman.

Chelsea waxey United ka hooseysaa 6 dhibcood, Torres ayaa goolkiisii ugu horeeyay Chelsea u dhaliyay tan iyo markii 50 million pounds ($81 million) looga soo gatay Liverpool Jan. 31.

Frank Lampard iyo Florent Malouda ayaa ku daray goolasha kale ee Chelsea. Arsenal, beri ayeey la ciyaari doontaa Bolton,.

Maxi Rodriguez ayaa 3 gool u dhaliyay kooxda booska 6aad ee Liverpool kulankii ay 5-0 kaga adkaatay Birmingham, waxeyna sidaa 3 dhibcood kaga hooseysaa Tottenham, taasoo qasaarisay fursad ay kaga daba tagi laheyd Manchester City oo booska 4aad ku jirta markii ay 2-2 la gashay West Bromwich Albion.

Sunni Said Salah

sunnijournalist@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>