Messi oo dhibcihii ka qaatay Madrid

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, April 28th, 2011
Readers:1299

MADRID (CIYAARO)—Lionel Messi  ayaa 15kii daqiiqo ee ugu danbeeyay dhex jiiray difaacii Real Madrid isagoo dhaliyay 2-0 ee ay Barcelona kaga adkaatay kooxda 10-ka ciyaartoy ku ciyaareysay ee Real Madrid. Lugta 1aad ee Champions League heerkiisa semifinal-ka.

Messi goolkiisa 1aad wuxuu dhaliyay markii uu kubadd cross aheyd ka helay Ibrahim Afellay oo ciyaarta badal ku soo galay daqiiqadii 76aad ayuuna goolkaasi shabaqa ku hubsaday.

3 oo kaliyahay markii ay ciyaartu ka harsantahay ayuu weeraryahanka reer Argentina wuxuu si qurux badan u dhexmaray difaaca Madrid kadibana kubaddii uu dhaafiyay goolhahayah Madrid Iker Casillas , goolkaasi wuxuu u ahaa kiisii 52aad ee xagaagaan, balse dhanka Champions League wuxuu u yahay goolkiisii 11aad 11 kulan oo uu ciyaaray.

Barcelona ayaa fursadahaan oo dhan waxey heshay markii ciyaarta laga saaray difaaca Madrid Pepe laakiin waayahaan khadka dhexe loo wareejiyay kaasoo daqiiqadii 61aad laga saaray garoonka markii uu si toos ah u qaatay calaamada casaanka ah.

Macalinka Madrid Jose Mourinho ayaa sidoo kale ciyaarta laga saaray markii uu la dooday mid ka mid ah calan hayayaasha ciyaarta iyo garsooraha badalka fadhiya, waa kulankii 4ada oo isku xiga oo ay Madrid 10 ciyaartoy kula ciyaarto Barcelona.

Waxey aheyd guushii ugu horeysay ee Barcelona ay heshao 3 kulan gudahood kaasoo labadaan kooxood dhexmaray 12 maalmood kadib marka laga soo tago 1-1 ay isla garoonkaan ku galeen iyo 1-0 ay Madrid ku qaaday Copa del Rey.

Madrid ku dhawaad 3 sano kagama adkaan Barcelona garoonka ay leedahay ee Bernabeu.

Lugta 2aad waxaa la ciyaari doontaa talaada soo socota , kooxdii soo badisa waxey la ciyaari doontaa Manchester United May 28keeda finalaha koobkaan oo ka dhici doona garoonka Wembley maadama United ay 2-0 ku hogaamineyso Schalke.

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com

 

Related posts:

Tags
Displaying 1 Comments
Add Your Comment
  1. nimcaan says:

    akhyaarta sharafta leh ee ciyaaro.com salaan aad uqiima badan ama sharaf leh ayan hawada nii soo marinayaa aniga oo kahadlaayo ciyaartii aan kaga badinay kooxda weyn ee real aad ayan ugu xumahay guuldarada soo gaartay mar neh aad ayaan ugu faraxsanahay hadaa ahay koxda aan taageyro barcelona wlh malinka oo xalay ku fashilmay joce waligeysa neh ku ah lid kooxda barcelona taas neh waliged oo ku ahay , taas dhibaato maleh, barcelona hadaan kahadlo waa koxda aduunka haad ugu ciyaarta wanaag badan ee indhahaada soo jiidan karaan qaab ciyaared keyda runtii naadiga barcelona macalin mawada iida ayaa iswada haduii lafiiriyo maskixiyan ahaan waa koox aad isku fahansan ,runti macalinka barcelona neh maskaxda kal socda ,, waa guul aan ku faraxno oo noo soo haniyay laacib keyna messi waacdka oo kumaray eena usuura gashay runtii,,,fifa barcelona,, m n u, god keyda biyo ayaa ugu soo gali doono iida neh tii horay ayee soo xasuusan doontaa iida neh ,, waana kaqaadi doonnaa insha allah taas rali ahana ila tahy,,

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>