Tartanka k/cagta ee Soomaalida Jedda
Ciyaaro ka tirsan Tartanka Koobka jeneral Daa’uud ee jaalliyada Soomaaliyeed ee magalaada Jeddah ee dalka Sacuudiga ayaa waxey ka socdaan halkaasi , iyadoo natiijooyinki ugu danbeeyay ay kooxuhu isku arkeen.
Naadiyada Jubba Airways iyo Naadiga Boondheere ayaa waxey wada ciyaareen ciyaar aad iyo aad u adag waayo laba kooxood aan la dhayalsan Karin awoodood ciyaareed , waxeyna ku bilaawatey weerar iyo weerar celin runtii waxaa ciyaartuna sidii loo filaayey ma noqon oo Jubba Airways waxey la timid awood dheeraad iyagoo wax ka bedelay habkii ay ciyaartii ifitn star kula ciyaareen .taasoo u suurto gelisey inay 4 : 2 kaga badiyaan Naadiga Boondheere . Waxaana goolashaasi dhaliyey Ciyaaryahan Aminoow oo laba gool dhaliyey iyo Macaawiye , Tababare Cali Baashi oo aan wareysi la yeelaney ciyaarta markey dhamaatey wuxuu inoo sheegay inuu ku faraxsan yahay Natiijada Ciyaarta ku dhamaatey ayna Kooxda dadaalkeeda halkaasi ka sii wadi Doonto kuna rajo weyn yahay in ciyaaraha u dhima kooxda ay natiijo wanaagsan ka keeni doonaan haddii alle idmo
Ciyaartii Labaad oo iyaduna aheyd mid lawada Sugaayey ayaa waxey dhex martey labada Kooxood ee Sharbatle Ajax iyo Madiina Star .ciyaartaas oo ay ku bilaawatey mid weerar iyo weerar celin waxey socoto ciyaarta ayaa ciyaartoyda kooxda Madiino Satar ayaa u suurto gahsey inay gool ku hormaraan kooxda Sharbatle Ajax . qeybtii hore waxey ku dhamaatey 1 : 0 .
Qeybta labaad ee ciyaarta markii leysugu soo laabtey kooxda sharbatle ciyaartoodii wax ka bedeleen isla markaana Laba gool oo xiriir ah ka dhaliyey Naadiga Madiina Star oo is lahaa waad ka badineysaan Naadiga Sharbatle, Ciyaartiina waxey kusoo gabgabowdey 2 : 1 oo ay guusha ku raacdey Naadiga Sharbatle
Ciyaartii sedexaad ayaa iyana waxey dhexmartey Naadiyada Muqdisho iyo Naadiga L L P P ciyaartaasoo aheyd mid ay labada kooxoodba kusoo bandhigeen ciyaar ay dadweynihii daawanayeen raali gelisey
Wallow guusha labada kooxoodba ay raadinaayeen waxey socoto leysna weeraro kooxda kalena ay iska difaaceyso ayaa kooxda Muqdisho waxey Fursada ay u suurto gashey inay gool ku dhaliyaan inkastoo naadiga L L P P uusan ka liidanin Kooxda Muqdisho laakiinse uma suurto gelin inay la yimaadaan goolka Barbar dhac ahaa ciyaartiina waxey kusoo gabgabowdey 1 : 0 oo ay guusha ku raacdey Naadiga Muqdisho,
Runtii ciyaarihii dhacey dhamaantooda waxey ahaayeen Kuwo Farsamadooda aad u sareyso oo aan dhihi karno ula jeedadii laga lahaa waa laga gaarey ha ahaato dhinac farsamo iyo akhlaaq intuba
Waxaana amaantaasi mudan dhamaan Guddiga Bahda Isboortiga



