United oo 2-0 ku karbaashtay Schalke
GELSENKIRCHEN, Germany (CIYAARO)—Wayne Rooney ayaa dhaliyay mid ka mid ah 2da kana kalana sababay inuu dhasho, taasoo keentay in Manchester United ay Schalke dhabarka u saariso 2-0 lugta 1aad ee Champions League heerkiisa semifinalaha.
Ryan Giggs ayaa goolka 1aad dhaliyay daqiiqadii 67aad markii uu pass ka helay Rooney hayeshee Rooney ayaa goolkii 2aad dhaliyay 2 daqiiqo kadib daqiiqadii 69aad.
United waxey iska qasaarisay fursado ciidaasi ka badan gaar ahaan qeybtii hore ee ciyaarta, waxeyna ciyaartu qeybtii 1aad u dhaxeysa goolhayaha Schalka iyo Manchester.
United, waxey u muuqataa iney si fudud ku gaari doonto ciyaarta fiinalaha oo 28 May lagu ciyaari doono garoonka Wembley.
Natiijadaasi waxey Schalke, ka dhigeysaa mid rajo beel ah maadaama gurigeedii 2 gool looga dhaliyay , waxeyna u tahay markii ugu horeysay oo ay ciyaarto Champions League semi-finalkiisa, todobaadka soo socda waxey booqan doontaa Old Trafford.
Habeen danbe ayaa ciyaarta ugu culus ay dhici doontaa waxeyna dhex mari doontaa kooxaha isku wadanka ah ee Barcelona iyo Real Madrid.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com



