Xiddigaha Somali Fruit oo hakiyay Xawaarihii Sharbatle Ajax

by Suni Said Salah | Posted on Saturday, April 23rd, 2011
Readers:823

Magaalada Jedda ee dalka sacuudiga waxaa ka soconaya Tartanka koobka jeneral daa’uud oo ah tartan ay qaban qaabiso Soomaalida ku dhaqan halkaasi, waxaana la ciyaaraa maalin walba oo jimco ah, ciyaarihii ugu danbeeyay waxey u dhaceen sida tan :

Ciyaartii hore ayaa waxey dhexmartey kooxaha Somali Fruit iyo Sharbatle Ajax ciyaartaasoo ahey runtii mid laba kooxoodba ay ku soo bandhigeen ciyaar ay farsamadeydu aad sareyso inkastoo qeybtii hore ay ku dhamaatey 0 : 0 markii leysugu soo laabtey qeybtii labaad ayey xidigihii ku ciyaaraayey magaca Naadiga Somfruit ay wax ka bedeleen farsamadii ciyaarta islamarkaana ay u suurto gashey inay gool ka dhaliyaan naadigii kasoo horjeeday ee Sharbatle Ajax , iyadoo Naadiga Sharbatle labadii ciyaarood ee uu ciyaarey kuwada guuleystey uu lix dhibcood halkaasi ay ku wateen haddii uu badin lahaana 9 dhibcood ku hogaamin lahaa group kooda ayaa waxaa tareenkii sharable Ajax xowliga ku socdey ka horyimid Boosteejadii Somali fruit uuna mariwaayey jidkaasi ciyaartiina waxey kusoo gebagabowdey 1 : 0 oo ay naadiga ku ciyaarayey Magaca Somfruit ku badiyeen ciyaartaasi .

Ciyaartii labaad oo isla taariikhdaasi dhacey ayaa iyana ay isaga horyimaadeen naadiyada Maxruuqaat  iyo Naadiga Iftiinka  ciyaartaasoo aheyd mid ay labada kooxoodba ku soo bandhigeen ciyaar ay dadweynihii daawanaayey aad iyo aad u jecleysteen awooda labada kooxood waxey aheyd mid isku dhow amaba aan niraahnee waa isku mid nasiibka waa iska halkiisa waxaa dardar cusub la yimid Naadiga Maxruuqaat oo uu Tababaraha U yahay Laacibkii u ciyaari Jirey Naadiga Badda Berisamaadkii iyadoo uu naadiga Maxruuqaat magaciisa ku ciyaarayey u suurto gashey inay Saddex gool oo darandoori ah ka dhaliyaan naadigii ka soo horjeeday ee Iftiinka Canaakish oo isna gool qura halkaasi ka dhaliyey     guntii iyo gebgebadiina waxey kusoo idlaatey 3 : 1 oo ay ku guuleysteen Naadiga Maxruuqaat .

Ciyaartii seddexaad oo ay dadweynaha wada sugaayeen oo ilgaar ah lagu eegaayey ayaa iyana waxey dhexmartey labada naadi oo kala ah Baabmakkah iyo Boondheere, waxey ciyaarta socotaba waxaalkaasi 2 gool ku dhaliyey Naadiga Babmakkah iyo Naadigii Boondheere uu halkaasi ka dhaliyey gool kaliya. Ciyaartiina waxey kusoo gabgabowdey 2 : 1 oo uu naadiga Babmakkah ku guuleystey sidaasina uu saddex dhibcood ku hantiyey

Sida caadatanba ah waxaa ciyaarahasii abaabuley amaba isku howley Qabsoomideeda Bahda Ciyaaraha ee Jaalliyadda Soomaaliyeed Magaalada Jeddaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya , iyadoo aan dhihi karno waa laga gaarey ula jeedooyinkaa laga lahaa tartanka Koobka jeneral daa’uud

Mohamed Aweys Axmed

Email : jedsomsport@hotmail.com

Email : jedsomsport@gmail.com

 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>