Xiriirka Kubada cagta oo tababari siin doona macalimiin da’yar

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, April 28th, 2011
Readers:427

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa maalinta Axada ah ee soo socota wuxuu tababar magaalada Muqdisho uga furi doonaa macalimiin da’yar,kuwaas oo ku soo guuleystay imtixaan heerarkooda lagu ogaanayay oo dhawaan Muqdisho looga qaaday.

Imtixaanka ayaa waxaa ka qeyb galay 31 ruux waxaana ku baasay 26 ka mid ah oo nasiib u yeeshay in ay ka qeyb galaan tababarka oo muddo 12 maalmood ah magaalada Muqdisho ka socon doona.

Talaabadan ayaa waxaa ay qeyb ka tahay qorshaha xiriirka ee lagu horumarinayo aqoonta qeybaha kala duwan ee kubada cagta, sida uu sheegay guddoomiyaha xiriirka Saciid Maxamuud Nuur  (Mukakmbe).

Macalimiinta imtixaankii dhacay ku baasay waa kuwan.

No Name
1 Saleh Farah Mohiyadin
2 Mohamed Abdulle Abokar
3 Mohamed Ali Abdi
4 Ibrahim Abdirisak Keysane
5 Mohamed Hassan Kahin
6 Liban Abdi Aden
7 Mahad Mohamed Hajji
8 Ismail Mahmoud Ali
9 Omar Osman Nur
10 Mahmoud Abdullahi Mohiyadin
11 Hassan Ali Roble
12 Omar Abdi Aden
13 Abdi Isak Mohamed
14 Yusuf Ali Nur
15 Ismail Abdi Isse
16 Mohamed Abdi Aba Nur
17 Nur Abdi Mohiyadin
18 Hassan Farah Ahmed
19 Sid-Ali Mohamed Sheik
20 Shafi’i Mohamed Abdullahi
21 Mohamed Sharif Mohamed
22 Hassan Hussein Mohamed
23 Nur Yusuf Farah ‘Baasareela’
24 Abdirahman Moalim Taree
25 Mohamed Ibrahim Abdi
26 Abdi Qani Abdullahi Guled

 

 

 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>