AC Milan oo hall dhibic u jirta horyaalka Serie A
ROME (CIYAARO)—AC Milan ayaa hal dhibic oo kaliyaha u jirta ku guuleysiga horyaalka Serie A markii ay 1-0 kaga adkaatay Bologna.
Xiddiga khadka dhexe ee rear French Mathieu Flamini ayaa daqiiqadii 8aad ee ciyaarta goolka kaliyaha ee ay ku badiyeen dhaliyay markii uu pass ka helay Robinho.
Milan si ay u hanato horyaalka 18aad ee Italian league waxaa ka xiga hal dhibic oo kaliyaha, in ay badiso ama ay bareejo ka hesho kulanka ay la ciyaari doonto Roma todobaadka soo socda.
Milan 8 dhibcood oo nadiif ah waxey ka sareysaa kooxda 5tii sano ee ugu danbeysay horyaalka qaadaneysay ee Inter Milan halka ay 9 dhibcood ka sareyso Napoli.
Inter sabtidii ayeey Cesena kaga badisay 2-1 halka Napoli ay Genoa 1-0 kaga badisay.
Milan 3da kulan ee u haray waxey ka rabtaa hal dhibic oo kaliyaha si ay u noqoto horyaalka dalkeeda.
Udinese ayaa rajadeedii ay ka qabtay iney ka qeybgasho sanadka soo socda Champions League waxaa carqaladeyay guuldaro 5-2 ah oo ka soo gaartay Fiorentina.
kooxda booska 4ad ee Lazio, oo isniinta la ciyaari donna Juventus ayaa waxey hal dhibic ka sareysaa Udinese taasoo dooneysa iney sanadka soo socda sido kale ka qeybgasho Champions League .Roma 4 dhibcood ayeey ka hooseysaa Lazio .
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com
