Sampdoria oo boorsooyinkeeda ka qaadatay Serie A

by Suni Said Salah | Posted on Sunday, May 15th, 2011
Readers:496

MILAN (CIYAARO)—Sampdoria ayaa boorsooyinkeeda ka qaadatay horyaalka Serie A markii ay 2-1 qasaaro ah kala hoyaaday Palermo galabtay, waxeyna noqoneysaa markii ugu horeysay oo ay banaanka ugu baxdo horyaalka heerka 1aad ee Italy laga soo bilaabo 2003.

Kooxda ka dhisan magaalada Genoa-waxey u baahaneyd iney hesho guul si ay isku sii badbaadiso ilaa iyo ciyaarta kama danbeysta ah, laakiin guuldaradaasi waxey fursad siisay Lecce oo 2-0 kaga badisay Bari natiijadaasoo ka dhigan in  Sampdoria ay 4 dhibcood ka hooseyso Lecce.

Bari iyo Brescia mar hore ayeey xaqiijiyeen iney laabteen, waxeyna xaqiiqsadeen ineysan sanadka soo socda aysan horyaalka ka sii ciyaari doonin .

Rajadii Roma ee aheyd iney sanadka soo socda ka qeybgasho isreebreebka  Champions League waxaa salfatay 2-1 qasaaro ah oo ay ka soo qaadatay Catania.

Natiijooyinka ciyaarihii kale Fiorentina 1, Bologna 1; Cesena 1, Brescia 0; Chievo Verona 0, Udinese 2; Parma 1, Juventus 0.

Sunni Said Salah

sunnijournalist@gmail.com

 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>