Ururka Somaliweek London oo qaban doona ciyaaro lagu xusayo 15 May

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, May 12th, 2011
Readers:308

Waxaa barnamij isugu jira xaflad , Qorituur iyo Cayaaro saaxibtinimo  oo ay soo abaabuleen  Ururka Somali Week London ayaa  lagu qaban doonaa   maalinta Axadda ee   nagu soo aadan oo ay taariikhduna ku beegan tahey  xuska 15 May  1943, maalintii la aasaasay  Ururkii SYL – Aabayaashii gobanimodoonka dalka Soomaaliya ka xoreeyay gumaystayaashii dalka haysta islamarkaana keenay xornimada iyo calanka dalka Soomaaliya.

Cayaaro saaxiibtnimo oo ay ka qayb gali doonaa ilaa 8 kooxood oo ka kale imaan doono magaalooyin kale duwan ayaa lagu qaban doonaa garoonka  ku yaal xaafada Stone Bridge  ee The Pavillion, saacadu markay tahay 13:00 duhurnimo ilaa 17:00 pm, kuwaasoo ah kooxaha dhalinta cuslaatey iyo kuwa cusub.

Kadibna waxaa isla Hall-ka The Pavillion lagu qaban doono fiidnimada Qorituurka tartankii 3aad ee lagu qabto magaalada London  ee Somali Week. Kadibna waxaa halkaasi lagu qaban doono barnaamij lagu xusuyo halyeeyadii xornimada dalka Soomaaliya islamarkaana ahaa aasasayaashii Ururkii SYL , iyadoo si gaar ah loogu marti qaaday dad sumcad wanaagsan ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed  oo ka kale imaan doono qaybo kale duwan, hadii ay ahaan laheyn taariikhyahano, siyaasiyiin, aqoonyahano, dhalinyaro, rag iyo dumar, fanaaniinta Qaranka iyo  qaar ka tirsan ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya oo ka kooban wiilal iyo gabdho.

Hadaba ha moogaanin barnaamijkaan xiisaha badan  iyo inaad  ka soo qayb gasho, wixii faahfaahin kale xiriir gudiga qaban qaabada barnaamijyadaan quruxda badan.

Calanka Soomaaliya iyo astaanta SYL hore uga soo qaado meesha aad joogto si loo weyneeyo maalinta xusuusta wanaagsan leh, waana muhiim inaad muujiso Soomaalinimo iyo wadaniyad dhab.

Yusuf Yusuf

mrsomalia@hotmail.com

 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>