Abdisalam Caddaay oo wacdaro ka dhigay kulankii Norway vs England
Abdisalam Ibrahim Caddaay wuxuu baal dahab ah ka galay halyeeyada Soomalida ay ku faanaan. Abdisalaam Caddaay oo u ciyaara kooxda ugu taajirsan adduunka ee Manchester City ayaa taariikhdu markii ay ahayd 05.05.2011 ka ciyaaray garoonka Southampton oo 125jir ah. Abdisalaan wuxuu u ciyaarayey Xulka Qaranka ee dalka Norway oo uu haysto dhalashada waddankaasi.
Ina Caddaay oo wacdarro ka dhigay ciyaartaasi ay kaga horimanayeen xulka qaranka ee dalka Ingiriiska, ayaa ahaa wiilka keliya ee kooxdiisa ka ciyaara waddanka Ingiriiska.
Abdisalaam wuxuu furay daahii ugu horeeyey oo ay Somali ku faanto, wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyey ee bariga iyo bartamaha Africa, gaar ahaan Soomaliya ee u ka ciyaara xul qaran oo European ah.
Iyadoo ay webka garoonka.com ay hambalyo fara badan ay u soo direen Abdisalaam Caddaay ayaan waxaan leenahay maanta wuxuu u soo jiiday magac soomaalinimo, iaydoo somalida qurbaha joogto ubadkooda lagu xanto in ay xabsiyado u jiifaan muqaadaraad iwm. Waxaan Ilaah uga baryeeynaa ubadka Soomaliyeed in uu Ilaaheey ka badbaadiyo waxyaalaha xunxun.
Abdisalam Ibrahim Caddaay wuxuu baal dahab ah ka galay halyeeyada Soomalida ay ku faanaan




masha allah waanu u mahad naqeeenaa walaalkeen cabdisalaam waayo magaca soomaaliyeed buu meel kasoo saaray
masha allah masha allah