Banaadir oo ku baashaashay barbaartii Maxruuqaat
Tartanka Kubbadda Cagta ee Koobka Jeneral Daa’uud oo si habsami ugu Magaalada Jidda ayaa Ciyaarihii dhacey taariikhdu markey aheyd 24/06/2011 waxey kooxuhu isku arkeen ama u wada ciyaareen sida tan :
Ciyaartii Koowaad oo lawada sugaayey ayaa waxey dhexmartey Kooxaha Banaadir iyo maxruuqaat iyadoo labada naadi ay ka dhisan yihiin hal magaalo sida Inter Milan iyo Ac Milan isla markaana ay ka dhaxeyso kululeysi gaar ah naadiyadaasi ayey ciyaartu waxey ku bilaawatey si degenaan ah , laakiinse waxey ciyaartu is bedeshay 18 daqiiqadood ka dib markii naadiga Banaadir uu lasoo baxey dardar cusub kalana furfurey difaacii Kooxda kale ee Maxruuqaat una suurto gashey inay qeybta hore ee ciyaarta 2 gool ka dhaliyaan .
Markii leysugu soo laabtey qeybta dambe wada tashi ka dib ayaa kooxda Maxruuqaat waxey la timid gool ciyaatiina ka dhigtey 2 : 1 intaasi ka dib kooxda banaadir waxey sii wadeen amaba la soo baxeen waji cusub isla markaana usuurto gashey inay 4 gool oo darandoori ah ka dhaliyaan iyadoo ciyaartii kusoo gabgabowdey 6 : 1 oo ay reer banaadir ku badiyeen .
Ciyaartii labaad ayaa iyana waxey dhexmartey Naadiyada Boondheere iyo Iftin Star ciyaartaas oo aheyd mid labada naadi aysan wax rajo ka laheyn usoo bixitaan wareega sideedaad ayey ciyaartu ku bilaawatey mid weerar iyo weerar celis ah oo aan waxba leysugu reeban runtii ay labada kooxoodba kusoo bandhigeen Ciyaar heer sare ah guntii iyo gebagebadii natiijada ciyeerta waxey ku dhamaatey 1 : 1 sidaasina ay dhibcihii kuwada qeybsadeen .
Ciyaartii sadexaad iyo tii afaraadba oo aheyd inay kuwada kulmaan Naadiyada
Xidigaha Ruweys iyo Xamar cadeey waxaa halkaasi aan ka soo xaadirin Naadiga Xamar Cadeey sidaasina ay xidigaha ruweys dhibcihii ciyaarta si fudud ku hanatey (Forfait)
Baanow Star iyo Marka cadeey iyana waxaa halkaasi aan ka soo xaadirin Naadiga Marka Cadeey sidaasina ay Kooxda Baanow Star dhibcihii ciyaarta si fudud ku hanatey (Forfait)
Ciyaarahaasi oo dhan waxaa maamulaayey ama koormeeraayey dhamaan Guddiga Bahda Isboortiga ee Jaaliyadda Soomaaliyeed Magaalada Jidda Boqortooyada Sacuudi Carabiya
Mohamed Aweys
Jedsomsport@hotmail.com
Jedsomsport@gmail.com



