FAALLO: Wasaaradda Sportiga xiriir nuucee ah ayaa kala dhexeeya Guddiga Olimbikada Qaran?

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, June 23rd, 2011
Readers:403

Muddo 30-maalmood gudahood ah waxaa Wasiirka iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Isboortiga Soomaaliya ay qoreen laba waraaqadood oo ay aheyd inay ka ka fiirsadaan ka hor intaan la dirin, sida ay aaminsanyihiin khuburada Isbooriga (Sports Analysts), iyadoo waraaqahaas aysan ka turjumeynin wada shaqeynta Wasaaradda iyo Hey’adaha kale ee horumarinta Ciyaaraha Soomaaliya.

Waraaqadahaas ayaa kala ahaa:-

Waraaqaddii uu Guddiga Olombikada Adduunka ee IOC u qoray Wasiirka Wasaaradda Mudane C/nuur Macallin Maxamuud  taariikhdu markii ay aheyd 22 May 2011, warqadaas oo ay ku qorneyd in guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ay sameeyeen  musuq-maasuq dhaqaale, isla markaana Wasaaradda Isboortigu dooneyo inay baarto lana xisaabtanto GOS, isla markaana IOC ay xayirto dhaqaalaha ay Somalia u soo diraan.

Waraaqaddii uu Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Aweys Sheekh Xaad uu u qoray waaxda socdaalka ee Garoonka Caalamiga ah ee Magaaladda Muqdisho taariikhdu marii ay aheyd 21st June 2011, taasoo ay ku qorneyd in la xiyiro wafdiga Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta iyo ciyaartooyda kooxda Elman FC ee ka qeyb galaya ciyaaraha CECAFA-KAGAME Club Championship ee ka billaabanaya wadanka Tanzania.

Sharciyaqaanada Isboortigu waxay aaminsanyihiin in waraaqadda Wasiirku ay la mid tahay iyadoo Guddoomiyaha GOS uu Ra’isul Wasaaraha u qortay waraaqad ay GOS  kaga codsaneyso in la bedelo wasiirka, isla markaana aanu ka qeyb qaadan shirarka golaha wasiiradda, inta  ay baaritaan ku sameynayaan dhaqaalaha wasaaradda iyo qaabka ay u shaqeyso -  taas oo sharci darro ah, halka waraaqadda kale ee xayiraadda socdaalka ciyaartooyda Elman ay la mid tahay, iyadoo GOS ay waraaqad u qortay agaasimaha garoonka ayna uga codsaneyso in la baajiyo safarka shaqaalaha Wasaaradda oo Siminaar dibada ah  u socda – taas oo sidoo kale sharci darro ah!.

Khuburada Ciyaaraha Soomaaliya waxay sheegayaan in labadaas waraaqood ay ahaayeen kuwa aan laga fiirsan ama ay qoristooda ay sababatay 5 arrimood midkood, kuwaas oo xaaraan ka ah sharciyada Isboortiga caalamiga ah:-

In Wasiirka iyo la taliyaasha Wasaaradda Ciyaaraha Soomaaliya aysan wax aqoon ah haba yaraatee u laheyn Xiriirka ka dhexeeya Wasaaradda iyo hey’adaha madaxa bannaan ee Isboortiga, sida Guddiga Ololmbikada Qaranka.

In Calanka Soomaaliya laga waayo goobaha ay ka dhacayaan ciyaaraha caalamiga ah, sida Olombikada adduunka, maadaama 20-kii sano ee la soo dhaafay meesha kaliya ee calankeenu ka babanayay ay ahaayeen goobaha iyo isku imaatinka ciyaaraha.

In lagu cuuryaaminayo dhaq-dhaqaaqyada isboorti ee wadanka ka socoda, isla markaana la jarayo xiriirka ka dhexeyeeya dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhaq-dhaqaaqa iyo is dhexgalka bulsho ee ku saleysan nabadda iyo farxadda Isboorti.

In la damiyo shumaca dhaqaale ee dhaqaa-dhaqaaqa yar ay ku sameeyaan xiriirada GOS, isla markaana la ceejiyo xaafiiska Isboortiga Soomaaliya. Iyo caddiifad qabiil.

Haddii Wasiirka Wasaaradda Isboortiga Soomaaliya uu aqrin lahaa xeerarka caalamiga ah ee Isboortiga iyo anshaxa wada shaqeynta, sida dastuurka Guddiga Ololmbikada adduunka, gaar ahaan qodobka 2-aad firqadiisa 5-aad, qodobka 28-aad firqadiisa 5-aad, qodobka 28-aad firqadiisa 6-aad iyo isla qodobka 28-aad firqadiisa 9-aad, kuwaas oo dhammaantood tilmaamaya in Gudddiga Olombikada Qaran uu ka madax bannaanyahay dowladda, isla markaana aysan xiyiri karin dhaqaalahood iyo socdaaladdooda.

Jawaabtii ka koobneyd qoraalka labada bog ahaa ee Guddiga Olombikada Adduunka ee IOC oo wasiirka soo gaartay 10, June 2011 ee uu ku saxiixnaa agaasimaha xiriirka caalamiga ah ee guddiga Olombikada Adduunka ee  IOC -  Pere MIRÓ oo u dhashay wadanka Spain wuxuu ku sheegay in eedeynta Wasiirka aysan aheyn dastuuri, isla markaana aysan tix galin doonin.

“Waxaan si xushmad leh Wasaaradda Isboortiga uga codsaneynaa inaysan faraha la galin shaqada guddiga Ololmbikada Soomaaliyeed, waxaan sidoo kale kaa codsaneynaa inaad fahantid in IOC aysan qeyb ka noqon karin qancinta codsigaaga” ayuu Miro ku yiri jumlada 2-aad ee ugu dambeysa waraaqada 1-aad ee jawaabtii IOC, isagoo qoraalkiisa soo afjarayana wuxuu wasiirka u soo qoray

“Waxaan sidoo kale rajeyneynaa in wasaaradaadu ay si masuuliyad leh ula shaqeyso GOS, shaqo-wadaagtiinu waa inay ku saleysnaato tixgalin qolo kasta lagu tixgalinayo masuuliyadaheeda iyo shaqadeeda, iyadoo ay jirto is faham guud iyo ujeedada midka ah ee horumarinta ciyaaraha wadankiina Somaaliya sida wadan kasta oo dunida ah uu u shaqeeyo”

Qodobadaas waxay sidoo kale kala xadeynayaan shaqada ka dhexeysa Dowladda iyo Guddiga Ololmbikada Qaran, waxayna xusayaan in IOC oo kaliya ay ganaaxi karto, baaritaana ku sameyn karto Guddiga Qaran, iyadoo dhinaca kale IOC aysan dhaqaalaha ka goyn karin guddi qarameed wadan maadaama dambi cad aysan ku heyn, iyadoo la tixgalinayo in Guddi Qarameed kasta uu  xubin ka yahay, codna ku leeyahay IOC.

Waraaqadaha nuucan oo kale ah oo aan laga fiirsan waxaa ku ceeboobay Wasiirro badan oo aan aqoon Isboorti laheyn, kuwaas oo shaqadoodii ku waayay, kuna ceeboobay, waxaa ka mid ah, Wasiirkii hore Isoortiga ee wadanka Ghana Akua Sena Dansua, Wasiirkii Isboortiga Nigeria Alhaji Sani Ndanusa, Wasiirkii hore ee Rwanda Joseph Habineza oo waraaqadaas ka sokoow ay fadeexo kale ku soo baxday iyo weliba wasiirro badan oo ay ka mid ahaayeen wasiirkii Isboortiga  Ciraaq, Fiji, Serbia, Colombia iyo  South Africa.

Guddiga Olombikada Qaran kama sareeyo Wasaaradda Isboortiga, waayo waxaa la rabaa in mar kasta ay dowladdu caawinto,  laakiin sida ku cad xeerka IOC  waxay xor ka yahay faragalinteeda iyo awoodaha qayaxan ee Wasaaradda.

Sida muuqata wasaaraddu waxay u baahantahay lataliyaal howshan fahmi kara, haseyeeshee maadaama ay muhiim tahay inaan aqoonteena iyo waayo aragnimadeena Ciyaareed uga faa’iideyno ciddii ay anfaceyso waxaa soo dhaweyn mudan codsi kasta oo ay soo diraan, si talo looga siiyo wixii ay ku wareeraan.

Xiriirka Wasaaradda iyo Guddiga Qaranka

Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada waxay hagtaa siyaasadda Isbooritiga ee wadanka, halkan Guddiga Olombikada Qaran ay ka yihiin Hay’adaha Farsamo oo dhameystirta adeeg kasta oo ciyaaraha ku saabsan, waxaana Wasaaraddu ay qabaneysa shaqada Siyaasadda Isbooritiga,  iyadoo u mareysa jid sharic iyo dhaqaale  ku saleysan, sidaas oo kale wasaaraddu waxay dhameystirtaa mabaadii’da looga baahanyahay ee Isboorti, iyadoo ka ciyaareysa door fir-fircoon houmarinta ciyaaraha gudaha, gaar ahaan Kooxaha Qaranka ee dibadda ka soo ciyaara, sida Xulka qaranka K/cagta, K/koloyga, Ciyaaraha Fudud iyo IWM.

Wasaaradda Isboortiga waa inay door ka ciyaartaa abuurista xaalad la jecleysto ee ku saleysan wada shaqeyn buuxda oo dhex marta iyada iyo Guddiga Olombikada Qaran, sidaas oo kale wax qabadka wasaaradda wuxuu ku fidi karaa guud ahaan goobaha Sports, waayo Guddiga Olombikada Qaran ayaa Wasaaradda uga baahnaan kara shaqaale caawimaad ah “Volunteers”

Wasaaradda iyo Olomikada waxaa ka dhexeeya fulinta awaamiirta horumarinee, iyadoo dhinac kasta la tixgalinayo, sida qaabka ugu habboon ee loo hormarin karo degmooyinka, gobollada iyo Xiriiradda ka dhexeeya gobolada, kooxaha iyo farsamayaqaanada, waxaana Wasaraddu ay yeelan kartaa qeybo kala gooni ah oo midba ugu tiirsan tahay arrimo gooni ah oo muhiim ah,  sida qeybta horumarinta, qeybta dhaqanka, qeybta dhalinyarrada iyo adeega, waaxda agaasinka iyo waaxo kale oo muhiim ah.

Wasaaradda waxaa kale oo ay tahay in ay qabato horumarin qayaxan, si sports dalka uu ula tartamo caalamka intiisa kale, isla markaana kaalin heer sare ah laga gaaro guud ahaan tartamda caalamiga ah ee Somalia ay ka qeyb galeyso.

Muhiimadaha kale ee laga doonayo Wasaaradda waxay tahay in ay kaalin xoog leh ka geysato horumarinta da’yarta sports iyo waxbarashada Isboortiga, si looga helo faa’iidooyin saameyn xoogan ku yeesha qeybaha kala gadisan ee awooda Sports ee  caafimaad iyo diyaar garoow intaba, waaxaana taageerada wasaaradda uu saameynayaa heerka da’ kasta ay uga heleyso baahidooda.

Mas’uuliyadda iyo abaal-marinadda laga dhowrayo wasaaradda ayaa ah in ay soo qaabeyso olole xoogan oo dhaqaale, scholarships iyo  taageero niyadeed  oo ay ka heli karaan bahweynta Isboortiga ee u kala baxeysa qeybaha maamulka, garsoorka, macallimiinta, ciyaartooyda, Saxaafadda Isboortiga iyo taagerayaasha intaba.

Raadinta xiriirka siyaasadda Isboorti oo caalami ah si loo helo ayaa waxaa shaqo xoog leh oo la taaban karo laga doonayaa Wasaaradda Ciyaaraha, si xiriirka iyo wada shaqeynta caalamiga ah ee siyaasadda sports iyo tan maamulba ay u hormaraan, si loo helo is baheysi siyaasadeed ee wadanku la yeesho dalalka kale,  iyadoo laga hortagayo qalalaase iyo dhan xumo kale oo gooni ah.

Barxadaha ciyaaraha waa in ay mar kasta goob joog ka ahaadaan wasaaraddaha Isboortiga iyo waxbarashada, si dhidibadu ugu sii aasmaan xiriirka dowladdu ay la leedahay hey’adaha farsamada qaabilsan ee Guddiga Ololmikada Qaran iyo Xiriirada hoosyimaada.

Kormeerka iyo qiimeynta mashaariicda sports ayay sidaas oo kale wasaaraddu ogaaneysaa, mana dhici karto in Wasaaraddu ay ku xadgudubto sharciga xiriirada iyo guddiga qaranka, tilaabo kastana waxay iskula shaqeyn karaan in ay ku saleysnaato sharciga la isku afgarto iyo cadaalad iyo run ka sheegid waxqabada iyo mid maamul intaba.

Dhaqaalaha Laga doonayo Wasaaradda Ciyaaraha.

Tutaale ahaan 20-kii sano ee la soo dhaafay GOS iyo xiriirada hoosyimaada waxay ku shaqeynayeen xaalad adag oo aan caadi ahey oo runtii ay mudan tahay in abaal marin lagu siiyo, xaqiiqatan uma qalmaan in lagu furo tashuush iyo eedeymo aan waxba ka jirin, sababtoo ah ma jirin dowlad taageero siisay iyo wasaarad xaaladooda la socotay, waxay aheyd in dhaqaalaha ay isticmaalayaan ay 90% uu ka yimaado dowladda Soomaaliya, hase yeeshee dowladiba ma jirtay?

Madaxda iyo shaqaalaha GOS iyo Xiriirada kale waxay ku noolaayeen xaalad adag, waxayse naftooda u hureen inasay ka bixin wadanka ugu halista badan caamalka (World’s most dangerous Country and in fact the number one failed state in the world), si aanu u damin shumaca isboortiga wadanka.

Intaas waxaa dheer in 20-kii sano ee la soo dhaafay in Guddiga Ololmbikada Soomaaliya uu soo qabtay shaqadii looga baahnaa Wasaaradda Isboortiga Soomaaliya, run ahaantii waxay  aheyd arrin rag-ka-rooni ah, sababatoo ah waxay isku baheysteen “Waa inaan bad-baadinaa Isboortiga Soomaaliya – We must save our Sports!!!

Haddaba waxaa is weydiin mudan dhaqaale nuucee ah ayaa looga baahanyahay Wasaaradda Isboortiga? xageese ku baxayaan??

Haddii si gaaban loo sharraxo waxaa wasaaradda Isboortiga oo kaashaneysa wasaaradda Maaliyadda looga baahanyahay:-

Dhismaha garoomada kala duwan.

Xarumaha Xannaanada iyo tababarrada dhalinyarada.

Maal-galinta safaradda Xulalka Qaranka Soomaaliyeed, sida Xulka K/cagta iyo xulalka kale ee ciyaaraha caalamiga ah ay dibada ugu baxaya iyo weliba xulalka iyo wufuuda martiga u ah, Iyadoo Wasaaraddu ay bixineyso qarashka ku baxa inta ay wadanka joogaan marti ciyaareedkaas.

In Wasaaraddu bixiso dhaqaalaha ku baxaya inta ay xareysanyihiin ciyaartooyda heerka qaran, sida tababarkooda, jiifka, raashinka, jid marka (pocket money), tigidkooda  iyo caafimaadkooda.

Maal-galinta mashaariicda ololaha hanuuninta iyo wacyigalinta Isboorti.

Iyo Qodobo kale oo muhiim u ah wada shaqeynta Wasaaradda iyo Guddiga Olombikada Qaran.

Bal eeg – ma is leedahay xilligan in haddii tusaale ahaan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta uu Wasaaradda Sports u diro codsi dhaqaale oo ugu badnaan 10,000-kun oo Dollar ah oo ku baxeysa muddo 45-cisho ah diyaarinta ciyaartooyda Xulka Qaranka K/cagta Soomaaliyeed ee (The Ocean Stars) ee ciyaaraha Qaramada Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA oo November ka dhici doona wadanka Tanzania in wasaaradeenu ay awooddo bixin qarashkaas??

Ugu dambeyntii arrimahan oo dhan waxaa fahmi kara dadka aqligooda uu xigto ama ehelka u yahay howlaha Isboortiga, lana socda is bedelada sharciyada iyo maamullada ciyaaraha, waxaana dhici karta inay nasiib darro ay noqoto in Wasaaradda Isboorti dhammaanteed loo dhiibo dad aan fahimi karin anshaxa shaqada ay hayaan, iyadoo inta badan dowladaha caamalku ay ka fogaadan, kana taxadaraan dadka qabanaya howsha Wasaaradda Isboortiga, iyagoo ka cararaya dib u dhac, qabyaalad, daraagis, iyo niyad ku yimaada dhallinyarada nolol maal-meedkooda ay ciyaaruhu ka mid yihiin.

Fallaadii: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)

Sports Journalist/analyst

Nairobi-Kenya

fmcblue@hotmail.com”fmcblue@hotmail.com
fmcblue@gmail.com”fmcblue@gmail.com

 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>