Musuqmaasuqa xiriirka kubadda cagta Soomaaliya

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, June 23rd, 2011
Readers:434

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaliyeed wuxuu soo maaray taariikho kala duwan oo isugu jiray kuwo lagu faano iyo kuwii soo jiitay sumcad xumo. Dabaayaqadii sanadihii Sideetameeyadii (80s) iyo Sagaashaamadkiiba (90s) waxaa soo maray hogaamo kala duwan (Farah Weheliye Sandiko iyo Muxiyadiin darba weyne). Waan la soconaa taariikhdii madoobeyd ee ay kaga tageen xiriirka oo qarka u fuulay inuu istaago.

 

Kolkii la doortay madaxda cusub ee xiriirka waxay bilaabeen dhaq dhaqaaq faro badan, waxay horaantii la yimaadeen energy cusub iyo dad dhex gal iyo markale in ay dib u bilaaban xiriiryadii dalka gudihiisa iyo kuwii dibedda.

 

Dardartaasi cusub waxay soo jiidatay dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo bahda spoortigu in ay taageereen Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo madaxdooda. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed oo ka tarjumaysa wajahadda cusub ayaa si furan oo walaatinimo ku dheehan tahay u soo dhoweeyey in la qabto Ciyaarihii Gobolada Soomaaliyeed, sanadkii 2010 bishii December. Cayaarahan oo amni awgeed aan la qaban muddo 20 sano ah. Puntland iyo Xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliyeed waxa ay wada galeen heshiisyo wada shaqeyneed iyo xiriir joogta ah. Waxaa ka mid ahaa;

1. In wixii tababar ah lagu qabto Soomaaliya dhexdeeda
2. Puntland in ay diyaar u tahay in ay martigeliso tababarada

Bishii June 6, 2011, ayaa Guddomiyaha Olympikada Puntland, Mudane Sacid Jama Maxamed (Saciid Juula) ku eedeeyey Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Gudoomiye Saciid Mugambo in ay jebiyeen heshiiskii ay la galeen Puntland. Kadib kolkii ay u wareejiyeen tababaradii garsoorayaasha in lagu qabto waddanka Jabuuti, ayna Puntland ka casumeen laba qof ayagoo aan la tashan Madaxdii ay heshiiska hore ula galeen.

Kolkii aan xiriir la sameynay qaar ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugan waxay noo sheegeen:

- In musuqmaasuq xad dhaaf ah ay wadaan Gudoomiye Saciid Mugambo iyo xoghaynta Abdiqani Carab, oo asagu ka awood weyn madaxda kaleĀ In Shirarka iyo safarada uu ku kooban yahay sadexdooda oo keliya

- In miissaniyad iyo xisaab furan aysan jirin

- In Safarada iyo Tababarada laga qeyb geliyo madaxda kale ee dalka

- In 6 Safar ay aadeen Guddomiyaha, G/ku xigeenka Kowaad iyo Xoghaynta oo keliya

Sidoo kale, Gudoomiye ku-xigeenkii hore Mr Abdinur oo ku nool waddanka UK, ayaa is casilay xilkii uu u hayey xiriirka kolkii uu arkay musuq maasuqa iyo in Xiriirkii dib ugu laabtay jeebka laba ama saddex qof oo keliya.

Waxaan kaloo la xiriirnay Gudoomiye ku-xigeen Abdirashid Hassan Hersi (Bakin), oo runtii qeyb weyn ka ahaa in cayaarihii gobolada Soomaaliyeed ay qabsoomaan, ayaa noo sheegay in aan lagala tashan Safarada iyo tababarada iyo shaqooyinka joogtada aha. Balse ka gaabsaday inuu tilmaamo khaladaadka lagu eedeynayo Xiriirka kubadda Cagta.

Ugu dambeyntii, haddii aan lala tashan madaxda kale ee xiriirka ee Muqdisho ku sugan. Haddii xiriirku ka baxay heshiiskii Puntland ay la galeen, Haddii madaxda kale aysan waxba ka ogeyn howlaha socda. Miyaan la oran Karin:

- Maamulkii waxaa afduub u haysta Abdiqani Arab oo ah xoghayn aan la soo dooran

- Gudoomiye Saciid Mugambo oo isu dhiibay xoghayntii aan lahayna awood uu wax ku saxo.

Haddaba waxaa cad haddii dhibtan aan toos wax looga qaban oo Dowladda Soomaaliyeed aysan soo dhexgelin in dadka Xamar joogaa iyo Gobollada kale ee dalku ay beesha caalamka u gudbin doonaan cabasho ka dhan ah xiriirka kubadda Cagta. Waxaa cad in dib loogu laaban doono wakhtigii madoobaa ee hore loo soo maray.

Waxaan u soo jeedineynaa bahda Sportiga Soomaaliyeed in ay kacaan, fartana ku fiiqaan cidda wax is daba marineysa, kana qeyb galaan howlaha xiriirka si loo saxo wixii khaldamay.

Maajid Abdalla

Media Relations

Somalia Watch

 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>