Ciyaarihii Eurosom 2011 oo la soo gaba gabeeyay & Gothenburg oo koobkii la hoyaaday

by Suni Said Salah | Posted on Saturday, July 30th, 2011
Readers:749

Koobki xagaaga Ciyaaraha Eurosom 2011, Finland ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Caasimada ee helsink, iyadoona 28-jully 2011 ay aheyd maalin taariikh ku leh bahdii sportiga ee ka qeyb gashay tartanka 13-aad ee ciyaaraha Eurosom. Kooxaha Kanava Finland iyo gothenburg Sweden oo iyagu ahaa kooxaha nasiibka u yeeshay in ay sanadkaan tiigsadaan finalka ciyaaraha xagaaga ee Eurosom Finland, ayaa ciyaar wacdaro leh ku soo bandhigay garoonka ay muddooyinkaanba ka socdeen ciyaaraha.

90-kii daqiiqo ee ciyaarta waxaa si cad koobkaasi u xaqiijisay kooxda Gothenburg Sweden, oo 2-1 ciyaarta ku soo afmeertay. Waxaana Halkaasi Koobkii Ciyaaraha Xagaaga ee sanadka 2011, lagu guddoonsiiyay Kooxda Gothenburg Sweden, oo uu guddoonsiiyay gudoomiyaha eurosom maxamed diini hilowle.

Koobka Sanadkaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Helsinki ee dalka Finland, ayaa loogu Magacdaray Koobkii Muridi Noor Zein, oo asiga loo aqoonsaday in uu yahay halyeyga waqti badan geliyay hormarinta Sportiga.

Kooxda GOTHENBURG Sweden ayaa la guddoonsiiyay Koobkii sanadka iyo Abaalmarin lacageed.
Kaalinta labaad ayaa waxaa loo aqoonsaday Kooxda KANAVA oo iyadu Finalka la bar bartantay Kooxda Gothenburg, waxaana la guddoonsiiyay Koob, Abaalmarin bilad iyo mid lacageed.

Kooxda SUKAO Norway oo gashay kaalinta sedexaad ayaa waxaa la guddoonsiiyay koob, bilad iyo Abaal marin lacageed.

Cayaaryahankii ugu wanaagsanaa inta uu tartanka socday waxa abaaalmarin lagu siiyay loona aqoonsaday Ciyaaryahanka Kooxda KANAVA, Haashim shariif.

Tabarihii ugu Fiicnaa dhanka Kooxaha waxaa loo aqoonsaday Macalinka kooxda Gothenburg Cumar gureey, Goolyaha kooxda Gothenburg Jaamac ayaa noqday Goolhayihii ugu wanaagsanaa.

Kooxda ugu wanaagsan waxaa gashay Walaalaha Qaraabo Denmark,gudoomiyahooda qaamuus aya isna halkaa abalmarin lagu gudoonsiiyay waxaana uu umahdceliyay kooxdii kuguulaysatay koobka sanandka ayna ku farxsanayihiin oo ay isku mid tahay in koobka ay qaado demark iyo in ay sweden qaado Halka Gooldhaliyihii ugu badnaa loo aqoonsaday Johnathon oo u ciyaarayay kooxda Kanava.

Wariyad Nadiifo Cali Shadoor ayaa halkaasi lagu abaal mariyo iyadoona sanadkaan Abaar marin qurux badan u guddoontay Warbaahino dhowr ah oo ay wakiil u aheyd inta uu socday tartaan xiisaha badan ee Ciyaaraha Eurosom 2011. Dayniile.com , Ciyaaro.com, Isboorti.com Shaaciye.com, Wehelmedia.com, & Jowhar.com” ayee abaal marin qurux baan u guddoontay iyadoona warbaahinadaan lagu amaanay waqtiga qaaliga ah oo ay u hureen baahinta tartankaan xiisaha badan.

Salah Hassan Omer “Salah Dheere”.
 s.dheere@hotmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>