Ciyaaryahan Soomaaliyeed oo ka soo dhexmuuqday horyaalka Finland
Cayaaryahanka Soomaaliyeed ee Iidle Maxamed Cilmi oo ka cayaaro horyaalka dalka Filand ayaa sheegay in dadaal badan oo uu sameeyey kadib ku guuleystay inuu ku biiro kooxda FF Jaro xilli cayaareedkii dhamaaday.
Xiddigaan da,da yar ka hore intii uusan ku soo biirin FF Jaro wuxuu u soo ciyaaray kooxda heerka 2aad ee Yara.
Cayaaryahan Iidle Maxmed Cilmi waxaa uu sheegay inuu jeclaan lahaa inuu u cayaaro xulka qarankiisa Soomaaliya,isagoo sheegay inuu rajeynayo in mar un indhaha caalamku ay arkaan isagoo gashan Funaanadda xulka Soomaaliya.
Sidoo kale Iidle waxaa uu sheegay in farqi weyn uu u dhexeeyo cayaaraha Africa iyo ka Yurub, waxa uuna carrabka ku dhiftay in dalalka Yurub la sameeyo tababar joogto ah,halka Africa uu ku tilmaamay inuu ku yar yahay tababarka.
Mustafa Xasan Cali
mustafaxasan737@hotmail.com



