Xiddig Soomaaliyeed oo u ciyaari doona Kooxda Chelsea
Ciyaaryahan Muqtaar Cali C/llaahi Afgooye oo sanadkaan noqday ciyaaryahanka ugu cad cad kooxda U-16 ee Chelsea ayaa lagu wadaa in bisha Augusto uu wacdaro ka dhigo qaar ka mid ah Garoonmada kubada cagta ee Yurub ka dib markii si toos ah loogu magacaabay in uu safan doono 3-kulan oo aad u adag taasi oo kooxdiisa ay ku yeelan doono Dalka Britian iyo Rusia.
Kulamada uu Muqtaar Cali Afgooye ka qeyb gali doona ayaa labo ka mid ah waxa ay ka dhici doonaan Dalka Britian halka midka 3-aad uu ka dhici doono Dalka Rusia, sida uu saxaafada u sheegay Wasiir kuxigeenkii hore ee wasaarada Dhalinyarada iyo Sportiga xukuumadii Farmaajo, Mudane Cali Afgoye oo ah Aabaha Ciyaaryahanka Kooxda Chelsea.
Koobka loogu Magac daray Nike Primer Cup World Finals oo 3-da bisha Augusto ka furmaya Magaalada Manchester ee dalka Britian ayaa lagu wadaa in ay daah furaan kooxda uu hormuudka ka yahay Ciyaaryahan Muqtaar Ali ee Chelsea.
Nike Primer Cup World Finals ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo 7-Augusto iyadoona taageerayaasha Kooxda Chelsea gaar ahaan Jaaliyada Soomaalida ee Magaalada Manchester isha ku hayaan wacdaraha la filankaro in uu koobkaasi ka dhigo Ciyaaryahan Muqtaar.
9-Augusto 2011 ayaa lagu wadaa in Dalka Britian uu ka dhaco koob loogu magac-daray U-14 Primer leugue finals , kaasi oo ay isaga hor imaan doonaan 4-kooxood oo ad adag ayna ka mid tahay kooxda Chelsea.
Kulankaan oo ah mid hal maalin dhici doona isla markaana ay ku wada balansan yihiin 4-koox oo aad u adag ayaa kooxaha ug cad cad waxaa ka mid ah kooxda, Chelsea, New-castel & Man-city.
Koobka 3-aad ee uu ciyaaryahan Muqtaar Cali Afgooye kooxdiisa U-16 ee Chelsea uu horkici doono ayaa waxa uu ka dhici doono Dalka Rusia, iyadoona koobkaasi loogu magac-daray(Samara Cup U-14).
Rusia Samara Cup U-14 waxa uu furmi doona 21-8-2011 iyadoona lagu wado in lasoo gaba gabeeyo 27-8-2011.
Ciyaaryahan Muqtaar Cali C/llaahi ayaa udub dhaxaad u ah kooxda U-16 ee chelsea asigoona ka mid ah Ciyaaryahanada Soomaaliyeed ee saaxada Sportiga caalamka magaca ku yeelana misane mustaqbal wanagsan ku leh Sportiga caalamka.
Soomaalida UK & Rusia ayaa wada dhowraya kulamada xiisaha badan ee uu ciyaari doono Ciyaaryahanka soomaaliyeed ee ee u ciyaara Kooxda Chelsea Muqtaar Cali C/llaahi.



