Hassan Wiish oo ka qeybgalay ciyaaraha bariga iyo bartamaha Africa ee Tanzania ka soconaya
Ciyaaraha kooxaha Bariga iyo Bartamaha africa ee ka soconaya dalka Tanzania waxaa garsoorayaasha sanadkaan ka qeybgalay ka mid ah Garsoore Xassan Wiish oo ilaa iyo hada dhowr kulan ka dhex- dhexaadiyay tartankaasi.
tartankaan wuxuu Hassan Wiish u yahay kiisii ugu horeeyay ee caalami ah oo uu ka qeybgalo, wuxuuna ilaa iyo hada qabtay ilaa iyo 3 kulan oo kala ah ciyaartii furitaanka oo lagu furay Oceon Veiw oo Zanzibar ah iyo Etincelles oo Rwanda taasoo ku dhamaatay 3 iyo 2 oo kooxda zanzibar ay guusha ku racdey.
Ciyaartii labaad ee uu qabto waxey dhexmartay Elmereikh oo Sudan ah iyo Bunamwaya oo Uganda ah taasoo ku dhamaatay 1-1, ciyaartaasi oo aheyd mid aad u adag wuxuu Hassan Wiish garoonka ka saaray tababaraha kooxda Elmerekh Hossam El-Badry kaasoo falal aan wanaagsaneyn ku kacay kadib markii calaamada casaanka ah la siiyay xiddiga No 9aad u qaato isla kooxdaasi ee Eldin.
Ciyaartii 3aad waxey aheyd tii quartfinal-ka ee dhex martay Simba oo Tanzania ah iyo Bunamwaya oo Rwanda aheyd waxey aheyd ciyaar aad loo xiiseenayay waxaan ka soo qeyb galay ilaa 30,000 00 taageerayaal ah, waxeyna ku soo idlaatay 2 iyo 1 oo ay guushii ku raacdey kooxda Simba ee horyaalaka Tanzania



