Jubba Airways oo ku guuleysatay Koobkii Jeneral Daa’uud ee Soomaalida Jedda

by Suni Said Salah | Posted on Saturday, July 30th, 2011
Readers:426

Magaalada Jedda ee dalka Sacuudiga waxaa lagu soo gabagabeeyay tartankii kubadda Cagta ee jeneraal daa’uud, kaasoo ay halkaasi ku ciyaaraan Soomaalida ku dhaqan dalkaasi. ciyaartii kama danbeysta aheyd waxaa isku arkay kooxaha Jubba Airways iyo Kooxda Baanow Stars .

 Garsoore Cabdalla oo ay dhalashadiisu tahay Chaad ayaa seerigii ciyaarta ku dhuftey 4:30 daqiiqo markii ay saacadu aheyd. iyadoo labada kooxoodba ay la soo galeen dardar iyo weeraro is daba jooga iyagoo aan ka maqneyn difaacyada derbiga ah ee labada kooxood .gool hayashaasha labada kooxoodna ay diideen inay kubbad si fudud ku dhaafto . Qeybta hore ee ciyaarta labada kooxoodba midna uma suurto gelin inay shabaqa taabsiiyaan kubbadda waxeyna kusoo gabagabowdey 0 : 0.

Markii la isugu soo laabtey qeybta dambe ee ciyaarta ayey labada kooxoodba weerarkooda sii kordhiyeen wallow kooxda jubba Airways ayey ciyaartaasi lasoo shirtageen qaab ciyaareed aanan weli looga baran oo ahaa isfahamsanaanta ciyaartoyda oo aheyd mid heer sare ah. Daqiiqadii 12aad ayaa weerar cajiib ah ay soo qaadeen kooxda jubba airways uu halkaasi ciyaaryahanka No.10, oo lagu magacaabo Zakariya uu gool qurux badan halkaasi ku dhaliyey ciyaartiina ka dhigey mid ay hogaanka u qabtaan kooxda Jubba Airways .

Kooxda Baanow star iyaguna dhowr jeer ayey weeraro soo qaadeen laakinse uma suurto gelin inay halkaasi gool ka dhaliyaan. Waxaana ay ciyaartu ku dhamaatey 1 : 0 oo ay guusha ku raacdey kooxda Jubba Airways oo ay halkaasi ku hantiyeen koobka jeneral daa’uud .

Waxaanan la ilaawi kari dadaalka ay muujiyeen ciyaaryahanada labada kooxood.
Sidoo kale guddoomiye C/risaaq Iimaan iyo Tababare Cali Baashi oo jubba airways ah iyo Guddoomiye Maxamed Baanow iyo Tababaraha Kooxda Baanow dadaalka ay muujiyeen inta uu socdey tartanka koobka jeneraal daa’uud .
Waxaana halkaasi lagu guddoonsiiyey kooxda jubba airways koobkii kubbadda cagta ee jeneral daa’uud.

Sidoo kale gool hayihii ugu wanaagsan tartanka oo ku guuleystey goolhayaha kooxda Jubba airways C/qaadir Maxamed Cabdi (AFEY) dhaliyeyaashana uu ku guuleystey Xamaada (gamuud) oo naadiga Banaadir ah, kooxda  ugu akhlaaq wanaagsaneydna ay kuu guuleysatey kooxda SYL.

By Mohamed Aweys
Jeddah , Saudi Arabia
Jedsomsport@hotmail.com
Jedsomsport@gmail.com

 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>