kooxda Sydney ee Australia oo sanadka danbe ka qeybgali doonta ciyaaraha xagaaga Swden

by Suni Said Salah | Posted on Wednesday, July 27th, 2011
Readers:498

Ciyaar saaxiibtinimo oo dhexmartay todobaadkaan kooxaha Sydney iyo Brisbane ee dalka Australia ayaa waxey ku soo idlaatay 6-2 oo ay guushii ku raacday kooxda Sydney oo marti loo ahaa, waxaana ciyaartaasi dadkii ka qeybgalay ka mid ahaa gudoomiyihii hore ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Salad Macalin Maxamed ( Salad Gaab ).

Ciyaarta oo aheyd mid Soomaalida ku nool magaalada Sydney ay aad u wada sugayeen oo ay xiisanayeen ayeey garoonka si weyn u soo buux dhaafiyeen iyagoo muujinayay sida ay taageeradooda ula garab taagan yihiin kooxdooda, waxaa sidoo kale ka qeybgalayaasha ka mid ahaa qaar ka mid ah ciyartoydii hore ee kubadda cagta Soomaaliya oo ay ka mid ahaa Maxamed Xasan (Dooli) iyo Maxamud Jeenyo.

Gabagabadii ciyaarta waxaa hadal koob ka jeediyay ciyaartaasi saaxiibtinimo Mr Salad Macalin (Salaad Gaab ) iyo ciyaartoydii hore ee ciyaarta ka soo qeybgashay, kuwaasoo sheegay iney sanadka soo socda ciyaartoy la xulay ay ka qeybgalin doonaan ciyaaraha xagaaga Sweden.

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>