Man-Citay oo Amaah ku dhiibtay C/salaan Cadaay.
Kooxda Manchester City ee ka dhisan dalka Britian ayaa amaah ku bixisay Ciyaarayahanka Soomaaliyeed Cabdisalaam Ibrahim ”Caddaay” ka dib wada hadal ay la galeen kooxda NEC ee ka dhisan Dalka Holland.
Amaahda ee Man-City ku bixisay Cabdisalaam Ibrahim ”Caddaay” ayaa ka danbeesay ka dib markii codsiyo kala gedisan ay ugu yimaadeen kooxaha Westham iyo Reading kuwaasi oo aad u daneenayay Ciyaaryahankaan Soomaaliyeed.
Heshiiska dhex maray Man-city iyo NEC ayaa dhigaya in C/salaan Cadaay uu Magaalada Nijmegen ee dalka Holland ku nagaado muddo 6-bil illaa iyo sanad ah sida ku cad heshiiska uu saxiixay Cadaay.
Dadka indha indheeya saaxada Sportiga ayaa isweydiin ka muujiyay diidmada C/salaan Cadaay uu diiday in uu heshiis la saxiixda Kooxaha Westham iyo Reading, Asigoona ka door biday in uu ogolaado heshiiska Kooxda NEC Nijmegen., sababtaasna waxaa noo sharaxay Yusuf Yusuf oo ah suxufi isboorti oo si weyn ula socda Cabdisalaam isagoo noo sheegay in Westham iyo Reading ay ka dheelaan kooxaha heerka labaad ee dalka Ingiriiska halka Kooxda NEC Nijmegen ay ka dheesho kooxaha heerka koowaad ee dalka Holland.
Ciyaaryahankaan ayaa noqonayaa ciyaaryahankii labaad ee Soomaali ah oo ka ciyaarah Kooxaha Heerka 1-aad ee Dalka Holland, iyadoona uu maanta ciyaari doono kulankii ugu horeeyay ee uu u safto kooxda NEC.
Ciyaaryahan Yusuf Xirsi ayaa xilliyadii ugu danbeeyay ahaa ciyaaryahanka soomaaliyeed ee u ciyaaraha kooxaha heerka 1-aad ee dalka Holland, inkastoo C/salaan Cadaay uu haatan noqonaayo Ciyaaryahanka 2-aad ee u ciyaara koocaha heerka 1-aad ee dalka Holland.
Magaalada Nijmegen oo ay degan yihiin Soomaali badan ayaa waxa ay guul u noqoneeso in ay taageerada ay u hayeen kooxda ka dhisan magaaladooda ee NEC uu ku soo biiro ciyaaryahan soomaaliyeed, iyadoona fursad weyn ay u tahay Soomaalida Holland in ay ku dayadaan Ciyaaryahankaan.




viiiiiiiiiiiiiva somalia wan taageeri donaa insha ALLAH ciyaryahanka somaliyeed
ad ayan oogu hambal yeynayaa ciyaryahan soomaliyed madama uu go aan ku garay inuu u dheelo kox ka dheesha herka kkobaad waxana rajeynaya in ciyartoy badan oo ssmaaliyed ay ku day sadan xidigan soomaliyed hadii alle ido ..
waxana leeyahay c/salaan guul ayan kuu rajeynaya sxb ……….good lucy Insha alaah……
Asc.dhamaan inata taageersan ciyaaryahan somaliyed aad ayaa uku farxay inoo shaqsi somaliyed inoo kaqebgalo ciyaaraha waxaan urajenaa inoo guulo farabadan kakeno holandi insha allah