Manchester United oo mar kale loo caleema saaray Naadiga ugu qanisan caalamka

by Suni Said Salah | Posted on Saturday, July 16th, 2011
Readers:495

Manchester United ayaa mar kale xafidatay booska kowaad qiimeynta Naadiyada ugu qanisan guud ahaan isboortiska noocyadiisa kala duwan sida ay shaacisay majalada Forbes. Qiimeyntan cusub oo ah mid sanadla ah ayaa Forbes sameysay, waxeyna kulmisay ilaa 50-ka koox ee ugu hantida badan caalamka,iyadoona kaliya todobo koox oo k/cagta ah ay ka soo muuqdeen qiimeyntaan.

kooxda Man United oo la sheegay inay ku dhawaad 333 million taageere dunida ku leedahay ayaa ku hogaamineyso booska kowaad lacag dhan 1.65 billion Pound,halka kooxda ku soo xigto dhanka k/cagta ee tahay Real Madrid oo soo cariirsatay booska shanaad,iyadoona kooxda Arsenal ay noqotay Naadiga kaloo ingriiska ah oo ka mid noqda 10-ka koox ee ugu qanisan dunida,ka markii ay ku fariisatay booska todobaad.

Kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ee AC Milan ayaa xiratay kaalinta 34-aad dhanka qihmeyntaan, halka kooxda sanadahaan dambe ay awood darida ka muuqatay ee Juventus ay kaalinta 49-aad gashay.

Kooxda ah horyaalka naadiyada yurub ee Barcelona ayaa hal boos hoos u dhacday sida lagu sheegay
qiimeyntaan,waxeyna gashay kaalinta 26-aad.

Sidoo kale kooxda dalka jarmalka Bayern Munich ayaa booska 19-aad xiratay,halka Chelsea oo sanadihii dhawaa si weyn ugu dhex muuqatay Premiership-ka England ay kaalin hoose gashay,waxeyna nasiib u
yeelatay booka 46-aad.

Qiimeyntaan ayaa sidoo kale waxaa ka soo muuqday kooxda Ferari ee tartanka baaburta Formula one-ka,iyadoona booska 13-aa fariisatay.

Xuseen Maxamed Cabdulle”Riiko”
xuseenriiko@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>